Hay’ada Y-PEER iyo Hayadda horumarinta waddooyinka RDA ayaa waxay soo gebagabeyeen kulan masrixiyeed wacyigalina oo muddo saddex cisho ah ay ka fulinayeen magaalooyinka Arabsiyo Gabiley iyo Kalabaydh

Hay’ada Y-PEER iyo Hayadda horumarinta waddooyinka RDA Ayaa Soo Gabagabeysay Kulan Masrixiyeed Wacyigalina oo Muddo Saddex Cisho Ah Ka Fulinaysay Magaalooyinka Arabsiyo Gabiley Iyo Kalabaydh.

Kulankan ayaa ku saabsanaa badbaadada iyo badqabka wadooyinka waxaa malinnimadii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Arabsiyo waxaana Kulankan oo ahaa hab masrixiyeed ay ujeedadiisu ahayd sidii dadwaynaha loogu wacyigalin lahaa inay ka taxadiraan khataraha sababa shilalka. iyada oo sidoo kale lagu baraarujinayay inay ilaaliyaan wadada isku xidha Hargaysa ilaa kala-baydh oo dayactir balaadhan lagu sameeyay isla markaasna lagu xidhay calaamado tilmaamaya goobaha khatarta ah.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasimaha Hay’ada Y-PEER Maxamed Mahad Dhamac iyo Masuul Ka Socday Hay’ada Horunmarinta Wadooyinka Ee RDA iyo dadweyne tiro badan oo goobahaasi kulan masrixiyeedku ka dhacay kaga qeyb qaatay barnaamijka si looga wacyigaliyo dhibaatooyinka ay yeelan karaan khatarta shilalku. Ugu horayn waxaa kulan ka hadlay Siciid Nuur oo ahaa sarkaal ka socday Hay’ada horumarinta wadooyinka Somaliland waxuuna ku booriyay dadwaynaha ku nool magaalooyinka Gebilay,Arabsiyo iyo Kalabaydh inay ka taxadaraan khatar kasta oo ka iman karta shilalka wadooyinka, waxaanu sidoo kale uu ugu baaqay dirawalada gaadiidka inay hubiyaan badqabka gadhigooda kahor inta aanay kaxayn.

“Wacyigalintan ujeedadeedu waxaa weeyi koley waxaa la wadaa wadada isku xidha Hargeysa ilaa kalabaydh oo dayactir balaadhan lagu sameeyay koley waad wada tagteen oo aad ku dalxiisteen ama aragteenba,Taas ayuunbaanu leenahay khataraha ka iman kara ee darawal xumada iyo gaadiid xumada ina haysataa aw-geed waxaanu leenahay halaga digtoonaado, gaadhiga aayar hala wado oo marka gawaadhida la kaxaysanaayo ha layska hubiyo oo yaan gaadhiga sidoo kale six un loo isticmaalin ee si wanaagsan ha loo isticmaalo”ayuu yidhi

Sidoo kale isna waxaa kulankan ka hadlay agaasimaha guud ee hay’ada maxaliga ah ee Y-PEER Maxamed Mahad Dhamac waxa uuna bulshada ugu baaqay inay ka digtoonaadaan khataraha sababa shilalka.
“Waa inaynu had iyo jeer ka taxadirno dhibaatada ama waxyeelada kasoo gaadha shilalka wadooyinka ee ay baabuurtu sababi karaan, waxaana uu barnaamijku xooga saari doonaa adeegsiga calaamadaha, dhimista xawaaraha iyo xidhashada suunka oo aanay dadkeenu inta badan ku baraarugsaneyn” Ayuu yidhi agaasime Maxamed dhamac

Kulankan oo ay iskugu soo baxeen dadweynaha magaalada Arabsiyo ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa heeso, riwaayado iyo ciyaaro dhaqmeed ka turjamaaya sidii looga digtoonaan lahaa isla markaasina bulshada deegaankaasi ugu baraarugsanaan lahayd khataraha ay sababaan shilalku.

Kulan Masraxiyeedkan wacyigalineed ayaa qeyb ka aha wacyigalin ay magaalooyinka Kalabaydh, gabiley iyo Arabsiyo iyo Hargaysa ay Ka wado Hay’ada Y-PEER oo kaashanaysa Hay’ada GIZ oo iyadu fulisay dayactirka wadada isku xidha Hargeysa ilaa kalabaydh iyo Hay’ada Wadooyinka Somaliland oo ay waheliso Wasaarada gaadiidka iyo horunmarinta wadooyinka ee Somaliland.

Waxaana muddo Saddex maalmood ah ay ka socotay deegaanada Gabiley,Kalabaydh iyo Arabsiyo iyada oo bulshada loogu soo bandhigaayay habab kala gadisan oo loogu sheegaayo sidii ay uga digtoonan lahaayeen khatarahaasi ka iman kara hadii aan sida ugu haboon loo isticmaalin waddada.