Prof. Samater oo ku guulaystay koobkii tartanka qabyaalada (WQ: Drs. Hoodo Yuusuf)

 “Saylici waa Inaadeerkay, Muusana waa Abtigay.”

Prof  Axmed Ismaciil Samater oo muddo dheer macalin ka ahaa Jaamacad ku taalla dalka Maraykanka, ayaa hormood ka ahaa asaaskii ururkii loo odhan jiray “ Hiil Qaran “ oo yoolkiisu ahaa midnimadda Soomaaliya iyo Somaliland.

Wuxuu geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay ka hortaga qaranimadda Somaliland. Wuxuu tegay Xamar 2012, isaga oo isu sharaxay jagada Madaxweynenimo. Markuu ku fashilmay, waxuu lasoo noqday ereyga “ Duopoly” oo uu ku fasiray  in Hawiye iyo Darood  madax ka noqon karaan Soomaaliya, laakinse aan cid kale loo ogolayn.

Markii ay dantu kusoo celisay Somaliland, wuxuu ku anda-cooday in xukunka iyo saddexda xisbi qaran , ay xuurto ku haysataan “Monopoly” Beelaha Dhexe, asagana aanay meeli uga banaanayn.

Wuxu ilaabay in Madaxwayne  Daahir Riyaale xuurto ku haystay Somaliland, muddo ka badan 7 sano.

Haddaba,  Prof Samater wuxuu  salaanka qabyaaladda ka fuulay halkii ugu hoosaysay. Wuxuu “ Hiil Qaran “ ku beddeshay  “Hiil Qabiil”.  Mar casho sharaf loogu sameeyay Guriga Madaxwayne-Ku- Xigeenka Saylici , oo ay kasoo wada jeedan  beesha “Maxamed Case “,  Prof. Samater wuxuu ku tiraabay   in meesha  “Maxamed Case” maro  asaguna maraayo.

Waxa kale uu sheegay  in naaska hooyadii qabanaayo, haddii uu Col. Muuse Biixi ka leexdo.

Isku soo wada duubo, Prof Samater ayaa si xarago leh ugu guulaystay   koobkii qaraniga ee “Qabyaaladda “

Drs. Hoodo Yusuf,UK,London.

yhoodo@yahoo.com