Qiimaynta Fal-celintii Madaxdii Waddani ee la xidhay (WQ: Maxamed Haaruun Biixi)

Qiimaynta Fal-celintii Madaxdii Waddani ee la xidhay.

Dhawaan waatii si aan sabab maangal ah ku salaysnayn xorriyadda looga qaaday xubno sarsare oo Xisbiga Waddani ka tirsan, iyo dad kale oo aan ka tirsanayn ba. Sidii lagu yaqiinay xadhigga sharci-darada ah, dadkii hadana waa la iska sii daayay iyada oo aan xadhigooda iyo sii dayntooda toona tafsiir laga bixin. Runtii dadka Somaliland ee waxgaradka ah, oo aan qaybsanaan xisbi iyo mid deegaan toona lahayn, ayaa xoog uga xumaaday falkaas, dhaqdhaqaaq na ka sameeyay. Somaliland gudaheeda uun ma aha ee 14 dawladood oo ajnabi ah iyo Qaramada Midoobay, Ururka IGAD iyo Midowga Yurub ayaa baaq cambaarayn ah, oo xadhigaas iyo amuuro kale ba ku saabsan soo saaray. Sidaas oo ay tahay, in cashar laga bartay waxaas iyo in kale ma hubo, wakhtiga ayaana ka jawaabi doona.

Si kastaba, Khadar dhawaan waxa uu ka hadlay wixii dhacay iyo sida uu u arkaayay waxa dacay, iyo talooyin uu u jeediyay Madaxwaynaha iyo Hogaanka Booliska. Runtii si hufan buu u hadlay guud ahaan, waana ku boogaadinayaa isaga iyo Barkhad ba hadalada ay ilaa hadda jeediyeen oo samadoon ah. Qodob ay ahayd in uu Khadar ka hadlo, oo toos xidhiidh ula leh xadhigiisii, ayaa jiray laakiin se dooddiisa ka maqnaa. Maalintii xigtay xadhigga sharci darada ah, Madaxwayne Biixi waxa uu booqasho aan sababteeda la sheegin ku tegay xaafadda Koonfureed ee magaalada. Cabaar ayuu yar dhex marmaray, ka dib na wuu iska tegay. Mashruuc uu furaayay ma jirin, booqasho gaar ah ma ahayn oo shakhsi gaar ah uu ugu tegay, sabab kale na lama shaacin. Madaxwaynuhu wuu is ogaa in uu shied ama tuuryo caadi ah bilaabay marba hadii uu sabab la’aan ku xidhay madax siyaasadeed oo xisbiyo ka tirsan, ka dib na waxa uu soo fiirinaayay in ay cidi ka jawaabto shiidkiisa iyo in kale.

Sida la ogyhay, xadhigga sharci darada ah ee siyaasiyiinta iyo dad kale ee fikirkooda loo afduubaa hadda ma bilaabmin, raggan hortood na dad waawayn oo kale ayaa la iska xidhay, oo hadana la iska sii daayay, waxaana ka mid ahaa Gaboose, Maxamed Xaashi, Jamaal Caydiid iyo Saleebaan-gaal, dhamaantood na cidi uma dagaalamin, rabshad na ma kicinin. Taas micnaheedu waxa weeye, in ay dadku ka koreen in ay rabshado u kiciyaan hal ama laba qof oo qalad lagu sameeyay, oo lana ogyahay in aan meel lala tegaynin, lana haysan Karin oo la iska sii dayn doono. Dadku run ahaan waa ay koreen, meelaha uu Muse soo socdo ama wax ka  eegaayo na, ugu yaraan labaatan sanadood ka hor baa la soo dhaafay. Waxa wacan in Madaxwaynuhu uu dadka soo gaadho. Keliya ma aha in uu soo gaadho ee waa in uu ka horeeyo hadii uu dhab ahaan Madaxwayne isu arko, shaki baana igaga jira in uu boqolkiiba boqol isu qabo madaxwayne iyo in kale. Hadaladiisa iyo ficiladdiisa kolka aan qiimeeyay, ee waliba dadka la kulma oo tiro badan, oo aan is ogayn na ka war qaatay, tasarufkiisu ma aha mid Madaxwayne, xataa ma u dhawa. Adeer galku seefta ma leeka, mana u dhawa ayaa nin laga sheegay.

Geesta kale, Khadar waxa uu saxaafadda ka sheegay in Barkhad ay saraakiisha booliisku si hayb ahaan ku salaysan u caayeen. In uu taas sheego gef ma ahayn, laakiin waxa dhaliili ka imanaysaa in aanay sheegistaas mooyee wax qorshe ah oo kale qadiyadda noocaas ah ka lahayn. Sharci cidi ma ixtiraamto oo dacwad ka furta ma lihi, waxa aan se odhan lahaa ugu yaraan in Xisbigu si buuxda oo bilaa  tudhis ah hab dhaqankaas u cambaareeyo. Madaxwaynaha laftiisa ayaa aan taas qalad u arkin, sidaas darted booliskiisu na qalad ma u arkaan, waa se foolxumo bilaa marmarsiinyo ah. Markhaatiyo goobjoog ah ayaa dhawaan ka warramay shir ay Madaxwaynaha kula yeesheen Boorama, waa kolkii laga hadlaayay xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees, walaalkii oo ka mid ahaa goobjoogayaasha ayaana sheegay in uu Madaxwaynuhu yidhi – Cabdiraxmaan Abees oo Reer Xaaji-Faarax ah, (waa jifo hoose oo madaxwaynaha haybtiisa ka mid ah), in aan xidhay, oo nin Barkhad la yidhaahdo oo Gabooye ah na aan xidhi kari waayay, hadii Xaaji Faarax aakhiro loogu sheego godka ma qabteen.

Dad masuuliyiin ah, oo xiliyo kala duwan la kulmay Madaxwaynaha ayaa iyakuna ii sheegay aflagaado noocaas oo kale ah oo uu ninkaas kula kacay. Intaas oo dhan waxa ka sii horeeyay hadalkii deelqaafka ahaa ee uu fagaaraha kaa yidhi Abwaan Cali Cabdi-saaiq, oo Gabooye ahaan u ula hadlay, laakiin xiligaas Muuse keliya ayaa uu ahaa ee Madaxweyne ma ahayn, waana xiligii ololuhu socday. Runtii tani waxa ay muujinaysaa laba wax uun – Madaxwaynaha fahamkiisa ku sabsan qarannimadu in uu xoog u hooseeyo, kan qabiilinimadu na xoog u sareeyo, iyo saaamaynta ay labadaasi ku leeyihiin fikirkiisa iyo tasarufkiisa. Waxa waajib ah in si wada jir ah hab-dhaqanka noocaas ah loo diido, masuuliyiintu na, heer ay doonaan ba ha joogaan, ay ka cabsadaan in ay waxaas oo kale ku hadlaan, xataa hadii aanay damiir ahaan qalad ugu arkaynin. Masuuliyiintu waa in ay bartaan in ay jiraan khadad cascas oo lama dhaafaan ah, hadii kale xoolaha waxba ma dhaano.

Ugu dambayn, Khadar iyo Barkhad xaflado badan ayaa ay qabteen ama loo qabtay, iyaka oo keegag jaraaya na waa la soo sawiray. Taasi sawir taban ayaa ay ka bixisay sumcaddii ay ka kasbadeen xadhigii gardarada ahaa. Keeggu xaaraan ma aha, laakiin aqlabaiyadda dadka Somaliland ee ay matalayaan, iyo kuwa aanay matalin ba keeg ma helaan, marka labaadna, dhaqan Soomalaiyeed ma aha qaabkaasi, sidaas darted waxa ay dad badani u fahmeen, ama u fahmi karaan shimbiro ku dabaalanaaya waadi aad mujtamaca uga fog. Waa ogahay in aanu fahamkoodu sidaas ahayn oo labadaba waa aqaanaa, laakiin sawirkaasi sidaas buu ku baxay ee wax ha ka barteen.