Qoraaga Rashiid Sulub Caalin ayaa maqaal uu soo geliyay baraha bulshadu ka dheehato wararka waxa kaga cawday in aanay bulshad qaybaheeda waxa qoolka ahi xil iska saarin badiyaaba in ay ka fal celiyaan ama kasoo jawabaan su’aalaha ku saabsan dhinaca murtida ay xambaarsan tahay suugaanta ay curiyeen hal-abuurka bulshadu ee ka waramaysa waayihii lasoo maray.
Waxa uu sheegay kadib jawaab la’aantaasi iyo aamuskaasi kasoo wajahay bulshada in ay keliftay in uu weji kale sheekada u dhigo oo ka wareego qaabkii hore, isagoo adeegsanaya odhaahda soo jireenka ah ee tidhaahda:
“Colka wadhaf ma lagu deyey.”
Taasi oo uu macnaheeda uga jeedo, waar dariiqii hore hadduu soconi waayay aan ku dayo bulshada si ay bal in uun jawaab isugu dayaan, inaan ku bixiyo abaal marin ay helaan cidda kasoo jawaabta su’aalahaasi, isagoo abaal marintaasi ku sheegay in ay dhan tahay 100 Doolar.
Waxa uu qoraagu markaasi taxay su’aalo uu tilmaamay in uu ugu tala galay in lagala soo dhex baxo maansada Hadraawi ee loo yaqaanno Daalaley, kuwaasi oo ilaa 10 su’aalood gaadhaya,
Haddaba waxaan odhan lahaa odayga Rashiid, runtii waad dedaashay, waanay fiicnaan lahayd in su’aalahaasi aad u soo bandhigto dadweynaha, jawaabo kaafiya aad u hesho, hase ahaatee waxaan filayaa sidaad kuwaasi hore ee aad soo sheegtay, jawaabaha uga wayday mujtamacii aad u soo bandhigtay, oo runtii anigu aanan ka mid ahayn dadkii arkay, in aanay kuwan imikana jawaabi kaaga soo noqon doonin, sababta oo ah, maadaama aad is tidhi oday Rashiidoow dhiiri-gelin samee oo dadkaagu hoos ha u eego qiimaha suugaanta, dee inaadeer Illaahay baa inna lehe, may qurux badnayn in aad 100 Doolar miidaanka la timaado.
Dadkeenana aan fikrad kaa siiyee, ma aha inaadeer kuwo waxa caynkaasi ah ahmiyad siiya, waxaanay ahayd ina ad ku baaqdo abaal marin macno leh oo u qalanta jawaabaha aad dadka ka doonayso.
Tusaale dhow: Anig imika dhammaan su’aalahaasi jawaabtoodu waa kuwo ku kaydsan maskaxdayda.
Haddii aan is lahaa qorna way ka hawl yaraan lahayd, qoraalkaygan jawaabta ah ee aan imika qorayo, hase yeeshee waxaan ka door biday, inaan qaato boqolkaasi Doolar ee aad sheegtay in aan kuusoo tebiyo qoraalkan aan kugu naqdiyayo, waxaanan kusoo gunaanadi lahaa, malaha boqolka Doolar beri horaad ogayde, maanta adeer canjeero xabashi baa lagu cunaa, dhiiri-gelintaadana Rashiidoow dhumuc u yeel.
Xasan Jaamac Qaalib “Dhako”
Hargeysa