Saaxiibbo kala hadhi waayey (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Cabdiqaadiir Cige Axmed iyo Mustafe Cabdi Xasan, Allah ha u naxariistee intii ay ifkan joogeen, waxay ahaayeen saaxiibo aad iyo aad iskugu dhaw. Labadooduba waxay ka mid ahaayeen arday marxalidihii kala duwanaa ee waxbarashadu na kulmisay. Cabdiqaadir dugsiga hoose ayaa mar na la wada qoray, sannado badan ka dibna tacliintii jaamacadeed ayaan mar kale ku kulanay. Mustafe isaga tacliinta sare ayaan iskugu nimid. Laba shakhsi oo la higsado, waxbarashadana loo daba fadhiisto ayay ahaayeen.

Dalka Pakistan ayuu Mustafe u diga rogtay si uu waxbarashada halkaas uga sii wato. Muddo kooban ka dib, labadooduba waxay u dhoofeen dalka UK oo ay deganaansho ka heleen. Waqtigaas oo dhan saaxiibo aad iskugu xidhan, wada tashada oo is xaal og bay ahaayeen. Shaqo wadaag ayay noqdeen oo waxay labaduba shaqo ka bilaabeen isla hal shirkad: Royal Mail.

Dabeecad ahaan, laba qof oo wax badan wadaaga ayay ahaayeen. Niman af gaaban, ixtiraam badan, Allah ka cabsi leh, dad jecel oo carrabkooga iyo addinkoogaba laga nabad galay ayay ahaayeen. Akhyaar wax badan og, adduun-arragoodu sarreeyo oo inta aad la fadhido aad wax ka korodhsanayso ayay ahaayeen.

Dadka faraha badan ee ay si uun iskugu xidhnaayeen ayaan ka mid ahaa. Si gaar ah ayaan labadaba sheeko wadaag iska war haya, guud ahaan u ahayn.

Ugu danbayn, qadarka Eebe, labadooduba waxay ku geeriyoodeen UK. Saddex sanno ayay na ifka ku kala dambeeyeen. Saddexdaas sanno ee uu Mustafe ka danbeeyey Cabdiqaadir, mar kasta oo aan wada hadalno, Cabdiqaadir afka kama uu dhigi jirin. Sheekadii la soo hadal qaadaba, Cabdiqaadir waa ku jiray. Labaduba waxay ku hoydeen cimriga aadamuhu ugu tamarta badan yahay.

Ilaahay ha u naxariisto oo ha u nuuro xabaasha saaxiibadan sina ku kala hadhi waayey. Sidii ay ifka jaal ugu ahaayeen, Allow ka yeel kuwo jannadanna jaar ku noqda. Inagana Rabbi ha inooga daba naxariisto. Aamiin.