Sawir sidee ah ayay Dalkeena ka bixisaa Isku-shaandhaynta badan ee Masuuliyiintu? (WQ: Amb Kaysar Maxamed)

Tan iyo intii ay Somaliland la soo noqotay Xorriyadeeda waxa Hogaamiyayaashii soo maray caado u noqotay isku shaan-dhaymo aan kala joogsi lahayn oo had iyo goor xilka lagaga qaado, la isku bedelo ama qaar cusub lagu magacaabo.

Marka laga soo bilaabo sanadkii 1991kii waxaa jira Wasaarado ay soo mareen in ka badan Labaatan Wasiir, iyo dhawr iyo labaatan Agaasime guud, Wasaaradaha ugu yar waxaa soo maray ugu yaraan Shan iyo Toban Wasiir iyo agaasimayaal aad u tiro badan. Taasi waxa ay ka dhigan tahay in Sideed iyo Labaatankii sanadood ee ay Somaliland jirtay in isku cel-celis ahaan in Wasaarad kasta uu laba sanadood wax ka yar uu Wasiir u joogay, marka laga qiyaas qaato Wasiirrada soo maray Wasaaradahaas ilaa sanadkii 1991kii.

Magacaabisaha iyo eriga ama isku bedelka xad-dhaafka ah ee Masuuliyiinta Xukuumadu wuxuu sawir taban ka bixinayaa degenaanshaha siyaasadeed ee Dalka iyo hab maamulkeena dawladnimo oo u muuqda mid ka duwan habka ay isu maamulaan Wadamada kale iyo xataa kuwa deriska ahba, kaasi oo nusqaan inagu ah Ummad ahaan.

Waxaa Muhiim ah in Masuulka Xil Wasiir, Agaasime guud ama masuuliyad sare loo dhiibayo aad looga fiirsado marka hore, lana hubiyo inuu yahay Masuul leh aqoontii, waayo-aragnimadii iyo kartidii uu shaqada loo diray ku gudan lahaa, ka dibna hadii uu hawsha loo diray si fiican u gudanayo loo daayo in masuulkaasi uu shaqadiisa hayo ilaa inta xilka Xukuumadu uu dhamaanayo, taasi waxa ay keenaysaa in Masuulkaasi qorshe fog lahaado oo uu ku horumariyo hawsha uu hayo, haddiise kolba qof cusub la keeno waxaa uu Masuulkaasi shaqada ka tegayaa isaga oo aan wax muuqda qaban oo xataa aan shaqada si qoto dheer u fahmin.

Waxaa haboon in laga gudbo caadada xun ee ah in qof inta xil loo dhiibo hadana markiiba laga tuuro sabab la’aan hadii aanay jirin masuuliyad xumo ama musuq-maasuq ama xil gudasho la’aan uu qofkaasi ku kacay.

Isku-shaandhaynta xad dhaafka ahi waxay Dalkeena ka bixinaysaa inaanay Wadanka ka jirin siyaasad deggan oo la isku hallayn karo, taasoo horseedi karta aaminaad la’aan, werwer iyo kalsooni darro ay inaga qaadaan Dawladaha, Ururrada iyo Shirkadaha caalamiga ah ee aynu la macaamilnaa.

Waxaan soo jeedin lahaa inaynu ka gudubno oo aynu ka korno isku-shaandhaymaha tirada badan oo inta badan aan ku fadhiyin aragti fog, balse badiyaa ay keento caadifad, nin jeclaysi, qabyaalad iyo sanifaad hebel ku bedel hebel kale iyada oo aynaan ka fikirin sawirka xun ee ay Dalkeena ku keenayso isku shaandhaymaha xad dhaafka ahi.