Soomaalida ayaa waa hore ku maahmaahday โMagac bilaash uma baxoโ waxaana buug isla ciwaankaa wata wax ka qoray qoraaga la dhaho Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo, in kasta oo Barwaaqo uu isagu gaar ugu koobay magacyada dadka. Aniga aad ayay maahmaahdaasi intaa igala gun balaadhan tahay, waxaan odhan karnaa waa mid ku qotonta magac-bixinta dadka, deegaanka, dhirta , duun-qaarta(xayawaanka) dab-joog, duur-joog iyo shinbiro midkay doonaan ha noqdeene. Dadka inta badan waxaa loogu bixin jiray xilliga ay dhashaan oo noqon kara mid colaadeed ama nabdeed, roobaad ama abaareed iyo sidoo kale marxaladda lagu suganyahay tusaale ahaan haddii reerku geeddi yahay, ama uu ku talo jiray oo habeenkaa u dhasho ilmuhu inuu guuro kaddibna reerkii la nageeyo iyo kuwo la mid ah. Deegaanka oo noqon kara qaarad, dalal, gobollo, degmooyin iyo tuulooyin magac-bixintooduna iyagana sabab ayuu ku baxaa. Waxa jira maqaal ay qortay gabadha qoraaga ah ee reer Kenya Ciku Kimeria oo ay kaga sheekeynayso sida dalalka Afrika intooda ugu badan magacu ugu baxay.
Inta badan afar wax ayaa dalku magac ku qaataa, oo loogu bixiyaa; meesha uu dhaco waddankaasi sida South Africa oo kale, qaab-dhuleedka waddankaas, ma waddan buuro , bannaan, webiyaal iyo wax la mid ah leh baa. Magac qabiiil oo badanaa noqda ka ugu tirada badan ama inta badan soo xukumaysay iyo qof muhiim u ah bulshadaas.
Maadaama mafhuumka dawladnimo ama in state ka aasaasanto Afrika ay dhawayd, lalama yaabayo in gumeystuhu saamaynta magac-bixineed ee ugu badan uu isagu ku lahaa Afrika. Haddii aad mawduucan inyar daraaseysana, waxaad si cad uga dhex arki kartaa in nimankii sahamiyaasha ahaa(explorers) ee reer Yurub qayb-weyn ku leeyihiin magac-bixinta dalalka Afrika.
Cameroon oo ah dawlad dhacda badhtamaha Afrika bilowgii hore waxa gumeystay Jarmalka, kaddibna waxa kala qaybsaday Faransiis iyo Ingiriis, waxa u magac-bixiyey sahamiye reer Portugal ah qarnigii 15- aad. Wuxu maray webiga Wouri oo ah ka ugu weyn ย Cameroon kaddib wuxu u bxiyey Rio dos Camaroes. Kaddib magacii ayaa tadawuray oo noqday magaca waddanka. Si taa la mid ah sahamiye kale oo Portugiis ah ayaa isla qarnigii 15-aad ka helay galbeedka fog buuro ula-ekaaday ilkaha libaaxa. Kaddib wuxu ku magacaabay Sierra Lyoa(Buurihii Libaaxa) intaa kaddib magacii waddanku wuxuu noqday Sierra Leone.
Qarniyo kaddib buur kale ayaa loogu magac daray waddan ku yaal Bariga Afrika, markii gumeystaha Ingiriisku yimid wuxu arkay buurta weyn ee dadka reer Kikuyu ugu yeedhaan Kirinyaga(meeshii Ilaahu deganaa/ku noolaa). Sidaas ayaa Ingiriis oo eray-lahjadeedka kari laโ ugu bixiyey waddanki Kenya.
Waxay qabtaa Ciku Kimeria inaan marar badan caqabadda luuqadeed ahayn ka sababa qaladka magac waddan, se inta badan waa khalad-qoraaleed dhaca.
Mali waxa ay magaceeda ka keentay kelmadda asalka ah ee luuqadda Bambara, taas oo la macno ah jeer. Jeertu dhaqanka Mali waa mid u taagan awood. Labada dal ee dhaca galbeedka Afrika waa Niger(oo ah qaybtii waqooyiga Nigeria ee Faransiisku gumeysan jiray ) iyo Nigeria(oo ahayd qaybtii Ingiriisku gumeysan jiray) labaduba waxay magaca kasoo amaahdeen webiga Niger oo mara.
Carabta ayaa iyaguna saamayn xoog leh ku lahaa magac-bixineedkii waddamada Afika. Mozambique waxa loo celiyaa magac sheikh Carab ahaa oo xukumi jiray waddanka- waa Muusa Bin Bique eโ kaddib markii uu yimid gumeystaha Portuqiisku wuxu u bixiyey Mozambique. Suudaan waxay ka heshay magaceeda weedhii Carbeed ee Bilad as-Suud (land of blacks). Si taa la mid ah Comoros waxa loogu magac daray xer Carbeed oo ganacsadayaal ahaa oo qarnigii 10-aad yimid lana odhan jiray Qamar(Dayax).
Ghana waxay soo ceshatay magaceedii hore kaddib markii gumeystuhu u garan ogaa waagii hore Xeebtii Dahabka. Dhawaanahan, dood ayaa ka jirta South-Afrikada dhaqamada iyo isirka kala duwan leh. Dad badan waxay ku doodayaan in magaca waddanka Azania loo beddelo, si raadka gumeystaha loo tirtiro. Balse, waxa xiisa leh in magacan Azania laftiisu aanu ahayn mid leh xidid iyo raad Afrikaan, balse yahay magacii Sahamiyaashii Giriiggu u yaqaaneen shucuubta koonfurta Afkirka qarnigii 1-aad.
Xitaa dawladaha ku dooda inaan la gumeysan sida Ethiopia iyo Liberia, waxa magacyadooda laga dhex helayaa raad reer Galbeed, sida Liberia oo aan ka dhex arki karayno liberty(xorriyad). Liberia waa jamhuuriyadda ugu faca weyn leh Afrika.
Halka uu ka yimid magaca Somalia oo xilligii dawladnimada loo garan ogaa Somali Republic isagu waa mid u noqonaya afka-Soomaaliga. Marka afka loo celiyana waxa kasii dhex taagan dood dheer halka uu ka yimid magaca Somali. Balse, waxa cad in Somali Republic iyada aanu saamayn magac-bixinteed ku yeelan gumeysigii reer Galbeed iyo Carab midkoodna. Waxa la odhan karaa Soomaalidu way ka qool-baxsatay midhkaa.
W/Q: Khadar Yoolac ย Axad/NOV10/2019