Shacabka Somaliland: Hal aad ogtihiin waan idinku raacsanahay, Hal aydaan yeelayna waan idinku diidanahay (WQ:Mohamed A. Abdilahi “Indha yare”)

Shacabka Somaliland: Hal aad ogtihiin waan idinku raacsanahay, Hal aydaan yeelayna waan idinku diidanahay.

Reer guuraaga iyo beeralaydu xaalad ahaan waa kala duwanyihiin marka laga eegayo dhinaca aag badalashada. Ninka reer guuraaga ahi malaha meel rasmi ah, halka kuwa beeralayda ahi uu meel u deganyahay rasmi iyadoon suurtogal ahayn inuu guuro. Shacabka reer Somaliland maaha reer guuraa waana sababta ayna habeenba meel uga cashayn karin.

1988s xiliyadii dhibta badani ka dhacday dhulkan culayska iyo khasaaraha badana soo gaadhay umadan. In badan waxay ogtahay wixii dhacayey maalmahaasi oo ah in nin askariyi amaba jabhad meel taagan intuu ku qabto uu qanjaha kaa gujinayey amaba ay dhacaysayba inuu naftaada gooyo. Waayahaa adkaa iyo foolxumadaa dhacaysay waxay sawir ku reebtay maskaxda dadkii waayahaasi qabsadeen oo imika ah dad waaweyn iyo kuwa mudakar ah. Iyadooy sidaasi tahay dadkii ka samotabaxay dhibtaasi waa dad dib nolashoodii u dhistay iyagoo sameeyey ganacsiyo iyo horumar kale oo ka dhigay inay iyagu nabadda gacantooda ku ilaaliyaan waayo nina ma burburiyo gurigiisa. Haddaba maalinta ay timaado aragti ku wajahan burburka nolasha ay nabnabteen waxaa maskaxdooda kusoo dhaca labo su’aalood:

1. Ma waxaad dib ugu socdaali xaaladii 1988s kii oo qanjaha kaa gujini inan yaroo jabhada?

2. Hantida iyo maxasta halkan kaa taala cid dhabarka kuugu qaadaysaa ma jirtaa?

Jawaabta labadaasiba waa MAYA. Waana taan idinku raacsanahay.

Mid aydaan yeelayna waan idinku diidanahay; aadamuhu wuxuu kaliyoo xayawaanka kaga duwanyahay waa lafa gurida waxa ku xeeran iyadoo go’aan laga gaadhayo habka loo wajahayo iyo cidda wajahaysa. Waxaan uga jeedaa wadanka uguma noolin sidda xoolaha ee waxaynu ugu noolnahay sidda guryaheena iyadoo macnuhu yahay inaynu wax ku qiimayno waxa inoo dan ah sida caafimaad wanaagsan, waxbarasho fiican, biyo nadiifa ama ku filan, horumar meel inoo wada, cunta caafimaadsan iyo wadajir abid ah. Waxaynu qaadnay wadada taasi gadaasheed ka jeeda (opposite) iyadoo aynu ka dhiganay halbeega baahida nolasheena qabyaalad iyo hadaanan meel joogin. Anigu kama soo horjeedo in lakala sad bursday laakiinse intaynaan halkaa gaadhin yaa sababay kala sad bursiga amaba dhaca waxaan xaq loo lahayn? Dee inagga, waayo inagga raganimada la dabba joogna kan wax dhacaya iyadoo laleeyahay wax qabso intaad meel joogto.

Hal aydaan yeelayna waan idinku diidanahoo waa JOOJINTA QABYAALADA.

Waxaa iga ra’yiya aniga:

1. Waxaad ogtihiin wadda, maskaxdiinana ha hogaamiso taariikhdu.

2. Ku heshiiya mabda iskana saara jaarnimada idinkoo u badalaya isku dan.

3. Kala garta boqna gooyaha iyo lafo kabaha idinku dhexjira.

4. Halbeega nolashiinu ha ahaado wadajir iyo mabda.