Sidee ayaa loo qabtaa kulan lagu daahfurayo buug cusub? (WQ: Musa M. Isse)

Sidee ayaa loo qabtaa kulan lagu daahfurayo buug cusub?

Sida ugu quruxda badani waa in kulanka wakhtigiisa lagu bilaabo.

– 30-ka daqiiqo ee ugu horreeya waxa qoraaga buuggiisa kala sheekaysanaya qof kale oo mawduuca u dhuundaloola, kaasi oo buugga soo akhriyay. Laba kursi iyo miis yar oo laba koob oo biyo ahi saaran yihiin wax ka badan loogama baahna wajahadda hore ee hoolka kulanku ka dhacayo.

– 30-ka daqiiqo ee ku xiga waxa fursad la siinayaa kasooqaybgalayaasha barnaamijka, si ay su’aalo u waydiiyaan qoraaga ama ay wixii aragti ah u soo gudbiyaan.

– 30-ka daqiiqo ee u danbeeya waxa ay kasooqaybgalayaashu helayaan fursad ay buugga ku iibsadaan, iyada oo waliba uu qoraagu u saxeexayo. Qaybtan danbe ayay dadku haleelayaan in ay isdhexgalaan oo ay sawirro wada galaan, halka wixii xidhiidh kala qaadanayaana fursad isku helayaan.

Sidaa weeye sida ugu wacan ee buug loo soo bandhigo, waana hab wanaagsan oo looga guuri karo kulamadeenna ay inta badan micnotiraan dadka tirada badan ee codbaahiyaha u kala dheereeyaa.

 

Muuse