Suudaan: Gugii Carbeed Een Goobjoogga Ka Ahaa (WQ: Khadar-Yoolac Muxumed)

Kacdoonkii dunida wada taabtay ee la magac baxay “Guga Carbeed/Arab Spring” wuxu ka dhashay Tuunis kaddib markii wiilkii yaraa ee waayaha iyo nolosha kakan ee kaligii-taliska u dulqaadan kari waayay waa Maxamed Buucasiisi e’ uu dab is qabadsiiyay 17 December 2010. Kacdoonkan ayaa noqday mid sida daadka ugu faafa dunida Carabta oo intooda badan ay ka talinayeen kalitalis kibray oo dalalka ay xukumaan isa siiyay.

Suudan ayaa ka mid ahayd dalalkaas. Kacdoonka Sudan wuxu soo maray marxalado kala duwan. Dhawr mar ayuu dabka kacdoonku yara huray, se talisku wuxuu ku guuleystay inuu damiyo. 14 December maalin Jimce ah 2018 ayuu kacdoonku markale soo rogaal celiyey isaga oo oodihiisa wata, una eg mid aad uga awood badan kii sannadihii ka horreeyey ka dhacay Suudaan. Waxa lagu cabbiray kacdoon ka dhashay markii dhaqaalihii Suudaan dhulka galay, shidaal, rooti iyo wax wel oo daruuri ah la waayay ama ay cidhiidhi galeen. Saboolnimadii ku faaftay baladka dhammaantii, halka hantidi gacanta u gashay in kooban. Sidoo kale waxa jirtay in berigaas baarlamanku u ogolaadeen Bashiir inuu dib isu soo sharrixi karo doorashada 2020 ka kaddib 31 sano oo uu xilka hayay.

Kacdoonk bilawgii waxa uu ahaa mid dad kooban isu soo baxeen, cabdsi iyo dareenka kacdoon oon dadka wada gaadhin darteed. Balse maalin Arbaca ahayd reer Catbara oo ah dad ku suntan kacdoon Suudaan dhexdeeda waxa isu soo baxay arday, shaqaale iyo dad weynihii oo booliska iska hor yimaaddeen. Khartoum, ayuu sidoo kale ka xoogeystay. Waxa kacdoonkii ku fiday barigii waddanka oo Qaddaarif ayaa dad badan isaga soo baxeen. Meel welba iyo waddo kasta waxa la dhigay ciidan.

Jimcaha waxa loo ballansanyahay kacdoon ka sii mug weyn kuwii hore. Waa Jimhicii ay ugu magac dareen “Jumca al-qadab/Jimcihii cadhada”. Suudaanidu wax yaalaha ay cajiibka ku yihiin waxaa ka mid ah magac bixinta. Dhacdo welba oo noloshooda soo martaa waxay ugu suntantahay eray-bixin cajiib leh. Jumca kaa ka danbeeyey isna waxay ula baxeen “Jumca alshuhadaa/jimcaha kuwii u shahiiday kacdoonka, malyuuniya iyo kuwo la mid ah” waa xus ay u muujinayeen/dhigayeen dadki kaga dhintay kacdoonka.

Haddii kacdoonka markii hore loogu soo dhuumanayay macaluul, sicirbarar iyo arrimihii bulshada oon waxba laga qaban. Hadda warkii hore war soo dhaaf. Xaalku wuxu taaganyahay “Tasqud bas” odayga Bashiir ah iyo xertiisa Islaamiyiinta u badan ee shacabku ula baxeen “Kiisaan/ ma dhargoyaal” ha iska tageen. Dadki waxay taaganyihiin “Thawra khiyaar shacab/kacdoonku waa doorasho bulsho” waxaanay rabaan haddeer inay iyagu noqdaan kuwa aayahooda ka tashanaya. Kacdoonki markan wuxu ku fiday gees ka gees. Kurdufaan iyo Darfurtii la duudsiyay ayuu gaadhay. Shacabki waxay la midoobeen walaalahoodii reer Daarfuur ee inta badan dhibka ku jiray lana dareen noqdeen. Iyaga oo maqashiinaya Bashiir iyo xulafadiisa waxay meel welba ka yidhaahdeen: “cunsuriyaddu waa qadhmuun, dalkoo dhan waa Daarfuur”.

Waxyaalaha kacdoonka Suudaan sii huriyey lana dafiri Karin waxaa ka mid ah baraha bulshada. Waxay sammaysteen groupyo Facebook iyo Whatsapp oo si weyn ugu wada xidhiidhaan, kolba waxa cusubna iskala socodsiin karaan. Sidoo kale waxay aad u adeegsadeen Hashtags, si dunida inteeda kale warkoodu u gaadho. #muddun_Sudan_tantafid/ #Sudancitiesuprsing iyo kuwo la mid ah ayay aad ugu isticmaaleen Twitter iyo Facebook.

Dhanka isku xidhnaansha sidoo kale waxyaalaha quruxda badan ee ay sammeeyeen waxaa ka mid ahaa, xaruntii kacdoonka(qiyaada caamah) oo ah halka markii danbe ay dibad baxayaashu isugu soo biyo shubteen markaad rabtid inaad booqatid sida laguula dhaqmayo. Waxay ahayd meel nidaam iyo kala danbayn ka jirto. Dadkii ayaa iska dhex doortay koox dhallinyaro ah oo u qaabilsan amniga, si la mid ah kuwa u qaabilsa cunta iyo hawlaha kale ee loo baahanyahayba. Qofka galaya lama ogola illaa la baadho waxa uu sito, si aanu ugu soo dhex dhuuman mid u jeeddo kale lihi.

Is garab istaagga iyo isku tiirsanaanta ayaa ahaa mid sidoo kale la majiirto kacdoonka Suudaan. Dhakhtar, askari, macallin iyo cid welba oo meel muhiim ah ku jirtay waxay garab istaagtay walaalaha kacdoon wadayaasha ah. Waxa la arkayay kacdoonka dhexdiisa askar amar diid u sammeeysay inay dadkooda laayaan, sidoo kale dhakhaatiir loo xidhay daweynta dadka dhaawacan.

Suudaan oo ah balad xaddaarad iyo wacyi badan dhexyaal sidaas ayay ku noqotay mid kacdoonkeedii la majiirto oo aan marin waddadii Libya, Yemen iyo kuwii kale ee burburay. Waxaan u rajaynayaa inta u hadhayna in Eebbe khayr ugu dhammeeyo.

Khadar-Yoolac Muxumed
Axad 6 Oct 2019