Sidee ayey reer Yurub ku horumareen? (WQ: Mohamed O. Hagi Mohamoud)

Reer Yurub adduunyada kale waxa ay kaga hormareen shan shay oo labo ka mid ah cido kale la wadaagaan. Shanta shayba caqli wanaagsan ayey ku keeneen ee midna xoog ugu ma iman. Waa Tusaale wanaagsan oo sheegaya in caqligu, xoogga jasmiga ka waxtar badan yahay.

Waa shayga koowaad e, waxa ay ka xoroobeen ruuxda. Waxa ay isku dayeen in nolosha caqli loo isticmaalo. Aqoonyahankii wakhtigaa jiray waxa uu si toos ah u la hadlay caqliga qofka isaga oo kaashanaya aqoon sax ah (logic and rationality).

Aqoonyahanka Yurub waxa uu dedaal dheer u galay in dawladnimada ruuxda la ga hoos saaro si caqliga aqoonta huwan iyo waayo-aragnimadu ummadda u hoggaamiso. Sidaa ayaa loo kala saaray kiniisadihii iyo dawladnimadii. Intaa ka dib cilmiga Science ayaa noqday buddhigga nolosha reer yurub.

Waa shayga labaad e, markiiba waxa ay dhisteen shuruuc adag si loo gu xakameeyo wax wal oo aan horumarka iyo amniga aan faa’ido u lahayn. Waxa si wanaagsan ay ugu heshiiyeen dawladnimada. Waxa ay ujeeddo iyo hadaf u sameeyeen dadkooda. Waxa ay u kala baxeen ‘class’. Qofka xukunka qabanaya shuruudo ayaa la gu xidhay, la xisaabtan na waa la daba dhigay. Sharciguna si wal oo loo kala hanti iyo awood badan yahay in uu xumaan oo dhan qabto oo aannu eex galin ayaa la gu heshiiyey.

Waa ta shayga saddexaad e, dadkoodii ayey waxbareen, beeraha iyo warshadaha ayey tabac badan galiyeen. Bulshadii waxa la gu jeediyey shaqo. Dhanka kalena xorriyadda hadalka waxa xaq loo siiyey intii caqliga iyo cilmiga wanaagsaneyd si ay wax fiican u soo kordhiso oo ay bulshada maankeeda u dhisto. Inta caamada ahna hawl ayaa loo diray iyo in ay iska xoogsadaan oo si wanaagsan u noolaadaan.

Waa shayga afraad e, aqoontii  la aaminay waxa la gu gaadhay horumar ballaadhan oo dhanka nolosha ah. Birta iyo baaruudda markii la helay, halkii ay iyagu isku idlayn lahaayeen waxay u la soo kaceen dunida kale oo ay ku qabsadeen, dabadeed waxa ay noqdeen gumayste ka faa’idaysta xoogga iyo xoolaha ummado kale. Inkasta oo ay dib isugu dileen qaniimaddii ay gumaynta dadyowga kale ka dheefeen.

Waa shayga shanaad e, markii ay dagaalladii koowaad iyo labaad ka soo doogeen ee dalalkii ay qabsadeenna dib u baraarugeen si ay isaga kiciyaan iyaga ma ay barriiqan e, waxa ay 1960 dib u habayn weyn ku sameeyeen nidaamkii dawladnimada casriga ah. Waxa ay isticmaalkeeda hirgaliyeen horumarka tiknoolajiyadda iyo cilmiga Science ka.

Maanta waxa dadka cad ee dunida ku nool oo reer Yurub iyo Maraykan ay hormuud u yihiin ay si weyn u maalgaliyaan waxa loo yaqaan cilmi-baadhis iyo horumar (Research & Development, or R&D) in ku dhow hantida ay haystaan 3%. Tan ayaa saamaxday in sidii hore ee gumaysigu ahaa si ka duwan oo casri ah ay u gumeeyaan dunida inteeda kale, inkasta oo baraarug kale bariga fog ka kaga socdo.

 

Mohamed O. Hagi Mohamoud