Maxamuud Xaashi: murashaxa Kulmiye Ma ninka aan moodayaa tolow? (WQ: Mohamad Hirsi G Abdibashir)

Sannadihii 89-90kii waxa ย had iyo jeer nagu soo mari jiray qaxootigii Darroor, nin cas oo dhuuban oo qurux badan, oo aftahan ah oo wadaad ah oo haddana SNM ah.

Balligubadle oo galbeed ah iyo Dhoqoshay oo bari ah ayuu u kala gooshi jiray. Wuxu ahaa sarkaal SNM ka tirsan oo jiidda bari xil ย kaga magacownaa. Marka uu sii socdo ama soo socdo ayuu ku hakan jiray Darroor. Dabadeedna waxa uu la kulmi jiray akhyaarta ducaadda iyo ardaydaba leh ee qaxootiga joogta. Gaar ahaan garabkii Al-itixaad Al-islaami oo aan baryahaa fahmay jiritaankooda.

Had iyo jeer waxa uu qaban jiray muxaadarooyin masaajidka ah ama dacwatu-shaaric habeenkii ah.

Waxa aan weli maskaxdayda ka bixin maalin uu masjidka ka muxaadaraynayey oo ilmo ku taallay dhabannadiisa. Xiitaa mawduucii uu ka hadlayey waan xasuustaa oo wuxuu ahaa ย in ilaahay dartii loo walaaloobo ุงู„ุงุฎูˆุฉ ููŠ ุงู„ู„ู‡ – I

Habeennadii uu bulshada ku wacdyi-jiray shaarica ย ama meelaha la isugu soo baxo, waxa aan weli maskaxdayda ka bixin laba hadal.

1- Mid ahaani waa “Waar tolkayoow Ilaahay ka cabsada”

2- Midka labaadna waxa uu ahaa in uu magacyada qabaa’ilka kore ee qaxootiga deggen ย kor ugu yeedho “Waar Garxajisoow Ilaahay ka cabsada. Waar Harjecooy ย Alle ka cabsada iwm”.

Waxa uu dabbaqayey qisadii ninkii muuminka ahaa ee ay Fircoon isku qolada ahaayeen ee suuratu-qaafir ku jiray iyo hababkii ay Nebiyadu dadkooda ugu baaqi jireen.

In sidaa dadka loola hadlo, waa wadaadkii 1aad ee aan ka maqlo.

Si fiican ayaannu isu naqaannay. ย Nin qalbi xabxab ah oo furfuran oo ardayda ugu yeedha magacooda ayuu ahaa. Laakiin shirarkaa dacwadeed ee guud ayuun baa na kulmin jiray. ย Shirar-hoosaad kulama kulmi jirin intii hore oo dhan.

Laakiin markii laga adkaaday ciidamadii dawladda ee Siyaad Barre dhacay, isla markaana SNM ay qabsatay Hargeysa, Berbera iyo Burco, ayuu nagu soo maray qaxootigii. Annaga oo ah 7-8 arday ayuu si gaar ah noola ballamay ama waa naloo ballamiyey. ย guri buuul ah ayaannu isugu tagnay. Markaa waxa uu noo galay muxaadaro. Waa muxaadaro ka duwan muxaadarooyinkiisii hore ee caamka ahaa. Waxay ahayd muxaadaro khaas ah. ย Waxay ku saabsanayd taariikhda Siyaasadda Soomaalida. Waxa uu ka soo bilaabay, maalintii uu Sayid Maxamed Cabdille Xasan ka soo dagey Berbera, waxanu ku soo afmeeray halkii xaalku marayey habeenkaas uu nala hadlayey. ย Wuxu ku soo gabagabeeyey su’aal ย macneheedu ahaa: Tolow sidee xaal noqon doonaa? ย rajiimkaa dhacay, wax dhaama ma la heli doonaa?

Runtii wuxu ahaa cashar saamayn weyn ku yeeshay noloshayda oo haddii la odhan lahaa lacag ku qiimee, aan ku qiimayn lahaa ilaa 15000-20000 doollar. ย Dikrigii Ina Cabdille Xasan oo Saalixi ahaa iyo culimadii qaadiriyo isku maandhaafeen iyo ย in dawladdii kacaanka ka horreysay la odhan jiray “CAWARO” habeenkaas ayaan ogaaday. Jacaylka Sayidku habeenkaas ayuu igu dhibcay. Nacaybka dawladdii rayidka ahayd ee kacaanka ka horraysay habeenkaas ayuu igu dhibcay. Waxannu kala tagnay, iyada oo ay indhahaygu u furanyihiin, waxa dhici doona mustaqbalka dhow.

Isagu sidii ayuu safarkiisii ku sii watay. Beri danbe waxan maqlay, in uu maayarkii 1aad ka noqday magaalada Burco. War wanaagsan ayuu ahaa. Beri kale waxan maqlay in uu si xun u weeraray Al-itixaadkii ka dagaallamay gobollada bari. War xun ayuu nala ahaa.

1993kii – oo 2 sano ka soo wareegtay habeenkii uu qolka noogu muxaadareeyey- ayaan fiid kula kulmay barta u dhaxaysa Gargaar hotel iyo Iskuulka sheekh Bashiir. Waxa ila socday wiil kale. Si wanaagsan ayaan u salaamay. Isbeddel weyn ayaa ka muuqday dushiisa. Ma aha ninkii dhallinyarada ahaa ee dhuubnaa ee waa nin weyn oo ballaadhan oo markaa huwanaa go’. Su’aashii uu habeenkii nagaga tegey ayaan is idhi, weydii. LAAKIIN NASIIB DARRO, iska daa su’aashiiye, kulankii dhammaa ma uu xasuusan karayn. Iska daa kulankiiye, xiitaa ANIGAYGAN IMA UU GARAN, IMANA XASUUSAN. Yaab! Ma laba sano oo keli ah! Yaab!

Beri dhaweyd oo ah intii uu ahaa wasiirka Duulista ayaa aniga oo sii dhoofaya oo jooga meesha ugu dambaysa ee diyaaradda lagu sugo, aan arkay isaga oo kormeeraya dhismaha qaybta sare ee aannu diyaaradda ku sugaynay. Waan salaamay. si wanaagsan. Laakiin ima uu xasuusan. Waan isu sheegay, laakiin ima uu garan. Lama aan yaabin in uu i xasuusan waayey oo 20 sano ka badan ayaannu kala maqnayn.

Maxaan ku xasuustay sheekadan. dee musharraxnimadiisa kollay!