“Ruqo ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo”
Haddii guga kuu kordhaa
Gabaw mooyee ku tarin
Garaad iyo waaya-arag
Illayn wax ma dhaantid geed
Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), Allow kuu naxariiso, Amiin Amiin Amiin
Hordhac
Bukaanku sidiisaba ceeb ma aha. Qof kastaa waa uu bukoon karaa qiimuhuu doonaba ha lahaadee. Dadka qaar waa ay ku dhintaan bukaankaas, halka ay qaar kalena ka caafimaadaan oo ay mar kale dib u bilaabaan hawl maalmeedkoodii hakadka galay. Aniga oo aan marna qadarka iyo ajasha su’aal iyo shaki midna galinayn haddana waxa aan qabaa in qofka caafimaaday iyo ka dhintayba ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin natiijada ka dhalatay xanuunkooda ee ah dhimasho ama caafimaad-qab. Waa run in ay bukaannadu kala duwanaan karaan duruuf ahaan iyo deegaan ahaan meesha ay ku kala noolyihiin iyo waliba nooca adeegga caafimaad ee ay helayaanba. Waxaa se taa barbar socota qorshaha qofeed ee uu kula tacaalo xanuunkiisa oo iyada lafteeda lagu kala duwanyahay waana tan danbe ta aan anigu hadda u socdaa.
Si la mid ah sida qofka ayay waddamadda, xukuumadaha iyo dadkooguba u bukoodaan. Waddamada qaar waa ay ka caafimaadaan bukaankaa, qaarna waa ay la noolaadaan oo wax ka dhaca mooyee waxba uma kordhaan halka ay qaar kalena ku geeriyoodaan oo ay sugaan dib-u-dhalasho marka ay helaan dadkoodii. Dabcan natiijo kasta oo ka dhalata bukaankaasi waxa ay leedahay sababteeda iyo waayeheeda waana halkan malahayga meesha u baahan in la fahmo ee anigana igu dhalisay in aan qoro maqaalkan. Waxa aan qormadan ku eegi doonaa Somalilaand oo aragti ahaan aan qabo in ay bugto, halka ay u liidato iyo waliba sida Somalilaand loo daawayn karo isla markaana looga badbaadin karo in ay mar labaad dhimato[1].
Afeef
Inta aanan u galin dulucda qoraalka, aan qiro in ay Somalilaand wax badan u qabsoomeen isla markaana ay jiraan guulo waawayn oo ay gaadhay inkasta oo dhanka kalena ay jiraan wax badan oo wali qabyo ah, halka qaar kalena aan wali loo dhaqaaqin wax ka qabashadooda. Sideedabana marka ay dadku wax qiimaynayaan waxa jira laba muraayadood oo ay dadka iniba mid xidhato si ay u arkaan waxa ay rabaan. Dadka qaar waxa ay xidhaan muraayadda aan u bixiyay wax-fiican-arka. Dadkani waxa ay arkaan oo ay indhohoogu qabtaan waxa fiican uun. Mararka qaarna waxa ay arkaan wax aan fiicnayn ama aan sax ahayn laakiin iyagu ay u arkaan sax. Waxa jira qaar kale oo xidhan muraayadda aan iyadna u bixiyay wixii-dhiman-arka, ma ah wixii-xun-arka! Dadka noocan ahi kuma badna Somalilaand iyo guud ahaanba waddamada xanuunsan sababta oo ah lama jecla lamana dhagaysto halka taa bedalkeeda ay adduunyada horumartay ay aad u dhagaystaan. Anigu maanta waxa aan doortay in aan xidho muraayaddan wixii-dhiman-arka. Sababta aan u doortay in aan xidho muraayaddani waa laba arrimood uun 1) Aragti ahaan, waxa aan qabaa, in kolba wixii dhiman oo xooga la saaro, lana raadiyaa ay ka mudan tahay in loo xafladeeyo oo loo sacabo tunto kolba wixii la haysto. Tusaale ahaan, haddii aad xanuunsantahay oo uu dhakhtar kuu sheego in aad u baahantahay daawo qiimaheedu yahay 80 Doolar si aad u caafimaaddo. Adna aad markaa haysato 65 Doolar. Ma in aad maalin kasta u xafladayso oo aad u dabaal dagto 65 Doolar ee aad haysataa misa waa in aad u hawl gasho oo aad raadiso 15 ka Doolar ee kaa dhiman? Anigu kolay waxa aan qabaa in aanu dabaal-dag meeshaa oolin ee ay hawl iyo shaqo taalo. Si kale haddii aan u dhigo 15 ka Doolar ee caafimaadkaaga ka dhimani waxa ay ka qiimo badanyihiin 65 ka Doolar ee aad haysato. 2) Waxa ii muuqatay in ay kaalintani bannaantahay ama ugu yaraan ay u baahantahay xoojin si loo dheeli-tiro dadka xidhan muraayadda wax-fiican-arka. Dadka wax-fiican-arkayaashu aad bay u badan yihiin mana ah uun xukuumadda sida ay dad badani u haystaan ee waxa sidoo kale wax-fiican-arkayaal badan leh mucaaradka, aqoonyahanka, culimada iyo waliba shacabka.
Xanuunada ay Somalilaand la Il-darrantahay
Is-mahadin
Haddii aad u fiirsato hadalada iyo khudbadaha dadka masuuliiyiinta ah ee reer Somaliland ee leh siyaasiyiin (mucaarid iyo muxaafidba), aqoonyahan, abwaan, hal-abuur, Suldaan iyo sheekh waxa kuu muuqanaysa in ay badankoodu xidhanyihiin muraayaddii aan kor ku soo sheegay ee wax-fiican-arka. Si aan qoraalakan idiin la wadaago waxa aan wakhti galiyay in aan dib u eego qoraallo, khudbado, heeso iyo gabayo ka hadlaya Somalilaand oo badankoodu aan xidhnayn uun muraayadaa wax-fiican-arka ee sidoo kale aad xaqiiqada uga fog. Intii aan dhex mushaaxayay qoraallada, khudbadaha iyo heesaha ama gabayada waxa ii soo baxay wax la yaab leh. Waxa ii soo baxay, shacab lagu dul gorgortamayo oo aan war isu hayn, syaasiyiin aan u jeedin ama aanay ka dhab ahayn dad[2] iyo dal[3] dib-u-dhiskii, wadaad iyo suldaan ay cabsiyi hayso oo wali ay ugu joogto meel fiican baan maraynaa ee yaan nabadda la inaga khalkhalin, abwaan iyo hal-abuur ay kaga hadhay ammaan iyo sacabo-tun iyo tan ugu daran oo ah aqoonyahan jeeb suldaan ku jira.
Haa waa run way jiraan waanan arkay dad badan oo wax dhaliila oo intaa aan sheegayba leh, nasiib darro se dhaliishaasi maaha mid ku qotonta dalka dib-u-dhiskiisa ee waa mid laga leeyahay dano gaar ah sida dhaqaale iyo kursi. In ay reer Somalilaand ka shaqeeyaan baylahdooda tira-beelka ah waxa ay ka doorteen is-mahadin iyo waliba qofkii baylahdaa sheega oo loo arko Somalilaand-diid. Ogaw hadda kaa baylahda Somalilaand iyo wixii dhiman arkaya ayaa u lex-jeclo badan Somalilaand nasiib darro se sida aan hore u soo sheegay cidina dhagaysan mayso. Xidhiidhka ka dhexeeya qofka muwaadinka ah iyo xukuumaddiisu waa meelaha laga qiimeeyo dal iyo dad horumarkii iyo hore-u-socodkii. Haddaba waa su’aale, xidhiidh noocee ah ayaa ka dhexeeya muwaadinka reer Somalilaand iyo xukuumaddiisa? Intee in leeg ayaa qofka muwaadinka ah ay hawli ka gashaa xukuumadda sidee uu se u waajahaa?
Waxa laga yaabaa in aad igu waafaqsantahay in xidhiidhka ka dhexeeya muwaadinka reer Somalilaand iyo xukuumaddiisu uu yahay mid aad u yar oo haddiiba ay hawli ka gashona aanu ku dhiiran in uu keligii la xidhiidho ee taa bedelkeeda uu u maro meela kale sida qof reerkooda ah, saxiibkii ah amaba uu laaluush bixiyo. Marka laga hadlayo dawlad casriya iyo xidhiidhka ka dhexeeya muwaadinka, laba arrimood baa muhim ah 1) In qofka iyo xukuumaddiisa waxa keliya ee xidhiidhiyaa ay tahay in uu qofku muwaadin yahay iyo 2) in qofku uu qofka kale kaga sarayn karo uun karti, aqoon iyo waaya-aragnimo marka ay timaado wadaagida fursadaha dalka (Fukuyama, 2014). Somalilaand halkay joogtaa markaa? Bal adiguqiyaas? Ilaa inta ay qofka muwaadinka ah iyo hay’adihiisa dawladeed ay xidhiidhinayaan reer, garasho, laaluush iyo waxyaabo kale sheegashada dawladnimo iyo dimuqraadiyadu waa is-mahadin aan xaqiiq ahayn.
Wada-jirka Ummadda Reer Somalilaand.
Dhaawac wayn ee ka muuqda midnimada iyo wada-jirka Somalilaand waxa uu halis ku yahay dawladnimada, horumarka iyo waliba ta ugu darran oo ah jiritaanka Somalilaand. Saddexda gobol ee Togdheer, Sool iyo Sanaag, oo ah kala-badh, haddii aanay ka badanayba, dhulka ay Somalilaand ka taliso, ma dhamays tira ka mid ahaanshohooga Somalilaand. Waxa jira meelo ka mid ah saddexdaa gobol oo aanay doorashooyin ka dhicin. Sababtu maaha uun in ay dadka deegaanadaasi Somalilaand diidanyihiin ee sidoo kale waa in aan si dhab ah Somalilaandnimada loogula tagin. Arrintaasi cadayn iyo markhaati uma aha oo keliya dhaawaca ku yaalaa midnimada iyo wada-jirka Somalilaand ee waxay sidoo kale markhaati nool u tahay sida xilkasnimo-darrada ah ee aan la isgu hawlin dhamaystirka wada-jirka dalka iyo dadka reer Somalilaand.
Waxa aad moodaa in dagaalkii u dhexeeyay Somaaliland iyo Somalilaand-diidka ee ka socday meelo ka mid ah saddexdaa gobol waa Togdheer, Sool iyo Sanaagba si wayn loogaga guulaystay Somalilaand. Hore umay dhicin in Buuhoodle loo cidleeyo cid Somalilaand diidan, in maamul lid ku ah Somalilaand lagag dhawaaqo Badhan iyo waliba in uu amaanka Laas-caanood, xarrunta gobolka Sool, uu maalinba maalinta ka danbaysa sii wiiqmo. Kala daadsanaantaa dadka reer Somalilaand oo hadda muddoba soo socotay ayaa hadda u muuqata mid faraha ka sii baxday. Haddii aan arrintaa si dhab ah looga shaqayn isla markaana aan la siin miisaanaka iyo culayska dhibaato ee ay leedahayna waxa hubaal ah in aan la mahadin doonin waxa ay dhasho
Haddii la rabo midnimada iyo wada-jirka dadka iyo dalka Somalilaand waa in la helaa laba arrimood oo dhiig joojin ah. 1) Waa in si dhab ah loo dhagaystaa cid kasta oo salluugsan Somalilaand oo la is-qanciyaa. Maaha in sidii hore u dhici jirtay Hargaysa laga yidhaahdo gogol baan fidinay iyo dadka caynkaasi xaq bay u leeyihiin in ay cawdaan. Taasi xal maaha, waana ta arrinta halkaa gaadhsisay. Waa in dadkaa guryohooda lagu garaaco oo waliba madaxwaynaha iyo inta kale ee talda la lihi ay hawshaa galaan. 2) Waa in xal loo helaa qabyaaladan xadhkaha-goosatay ee Somalilaandnimadiiba ka mudnaatay. In uu qofku reer Somaalilaand yahay, waxa kala wayn ugana mudan in uu reer hebal yahay. Inta ay taasi jirtona qaranimo ha sugin.
Is-waafajin la’aanta dhaqanka iyo dawladda casriga ah
Inkasta oo sida aan hore u soo sheegay ay jiraan dad badan oo xidhan muraayadda wax-fiican-arka haddana anigu waxa aan qabaa in ay wali salaaddu u xidhmi la’dahay reer Somalilaand. Haddii aad akhrido oo aad u fiirsato waxa ay Somalilaand qoratay ee ama distuur ah ama xeer ah, illaahay baa yaab kuu keeni sida ay u qurux badanyihiin iyo waliba sida ay wax-tar u lahaan lahaayeen haddii sidooda loo fulin lahaa. Niyad-jabka iyo calloolxumadu waxa ay bilaabmaysaa marka aad aragto dhaqanka iyo shaqada reer Somalilaand sida uu uga fogyahay waxa u qoran. Tusaale, qodobka 15aad faqradiisa 1aad ee distuurka Jamhuuriyadda Soomaalilaand ee ku sahabsan waxbarashada, dhallinyarada iyo isboortigu waxa uu leeyahay “Dawladdu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta, ballaadhinta iyo faafinta cilmiga iyo tacliinta, iyadoo u aragta inay waxbarashadu tahay maalgelinta ugu habboon ee kaalinta ugu weyn ka qaadan karta horumarinta siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho(Dastuurka, 2000). Maxaa kuu baxay? Ma dareentaa kala duwanaansho marka aad akhrido qoddobkan oo distuuri ah iyo sida ay Somalilaand waxbarashadu tahay? Somalilaand mudnaan ma siisaa horumarinta, ballaadhinta iyo faafinta cilmiga iyo tacliinta sida distuurku farayo? Somalilaand se ma u aragtaa waxbarashadu in ay tahay maalgelinta ugu habboon ee kaalinta ugu wayn ka qaadan karta horumarinta siyaadeed, dhaqaale iyo bulsho sida distuurku farayo? Ayaan darrada halkan ka muuqataa maaha uun mid ay xukuumaddu leedahay oo ay keligeed ciyaarayso kubad bilaa garsoore ah ee, waxa sidoo kale la leh shacabka hadh iyo habeenba daawanaya xukuumadda ciyaaraysa kubad bilaa garsoore ah oo waliba ku ciyaaraysa garoon bilaa goollal ah. Dabcan shacabka markan leeyahay waxa aan u jeedaa wixii dawladda ka soo hadhay oo ah mucaaridka, aqoonyahanka, culimada, dhallinyarada iyo waliba hal-abuurka. Waxa aan qabaa in ay intaasiba eeda la leeyihiin xukuumadda haddii aanay kaba badsan. Kala fogaanta waxa ay reer Somalilaand qorteen iyo waxa ay qabtaan shaqo ahaan iyo waliba iskula xisaabtan la’aanta waxa lagu heshiiyo waxa sal u ah oo ay ku qotontaa kala duwanaanshaha dhaqanka qofka soomaaliga ah iyo sida ay dawladaha casriga ahi u shaqeeyaan. Sida uu ku dooday Fukuyama mar uu ka hadlayay dawladdaha soo koraya iyo sida ugu habboon ee dib loogu dhisi karo waxa uu yidhi; waa in sida caadiga ah maskaxda lagu hayaa jiritaanka laba hay’adood (two institutions) mid toos ah oo uu ku macneeyay ka dawladaha casriga ah iyo mid dadban oo uu ku macneeyay dhaqanka, caadada iyo waliba sida ay u kula baxsanyihiin faham ahaan(Fukuyama, 2004). Halkan waxa aad moodaa in uu qoraagani ka hadlayo Somalilaand iyo sida ay wali iskula jaan qaadi la’yihiin hay’adaha tooska ah ee dawlad casriya (formal instituation) iyo hay’adaha dadban ee dhaqanka, cadaada iyo waliba taariikhda ay ummadi leedahay ah (informal institution).
Arrintan ah is-qabad la’aanta dhaqanka qofka soomaaliga ah iyo sida ay u shaqeeyaan dawladaha casriga ahi waxa ay salka ku haysaa malahayga oo ay ka soo bilaabantay is-fahan la’aantii dadka Soomaalida iyo gumaystihii reer galbeed ee ku soo duulay si la mid ah sida uu ugu duulay ummado kale iyo dalal kale oo badan. Inkasta oo aanay Soomaalidu keligood la dagaalamin gumaystaha oo ay jireen ummadda kale oo la dagaalamay haddana Soomaalidu waxa ay ahayd kuwa tirada yar leh ee aan khasaare mooyaana waxba ka faa’iidiin gumaystihii gaar ahaan xaga aqoonta, is-maamulka iyo dawladnimada.
Inkasta oo aan qof ahaan qabo in la is waafajin karo dhaqanka qofka Soomaaliga ah iyo helidda dawlad casriya haddana waxa aan qabaa in aan arrintaa in laga shaqeeyo daaye aan ilaa maanta wali cidi hadal hayn. Eeddana waxa leh reer Somalilaand oo dhan haba ugu horeeyaan siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo shacbiguye. Sababta oo ah waxa si isku mid ah loo dayacay waxyaabihii isku soo dhawayn lahaa dhaqanka iyo helidda dawlad casri ah sida; tayaynta aqoonta, la xisaabtanka hoggaanka dalka iyo waliba wax-ka-barashada ummadaha kale. Nasiib darro se, taa waxa ay reer Somalilaand ka doorateen in ay ku noolaadaan khiyaali. Waxa aan marar badan maqalnaa warar aan xaqiiq ahayn oo ay siyaasiyiinta iyo dadka kale ee reer Somalilaandba ku tiraabaan oo ah in aynu ka guurnay reerihii iyo waliba is-maamulkii ku salaysnaa dhaqanka oo aynu u guurnay dimuquraadiyad iyo isku maamulka habka dawladaha casriga ah. Dimuqraadiyadda iyo isku maamulka habka iyo hanaanka dawladaha casriga ahi waxa ay u baahanyihiin wax aad uga badan inta ay reer Somalilaand isugu sacabo tumayaan.
Shaqa la’aanta
Inkasta oo su’aal la galin karo in ay dalka ka jiran xarumo sameeya diraasado cilmiyaysan iyo waliba ilaa heerka lagu kalsoonaan karo diraasadahaa, haddana waad ku khasbantahay in aad xigato. Sababta oo ah wax kaleba ma haysid. Heerka shaqa la’aanta Somalilaand waxa uu gaadhay 65% ( Weedhsan, 2014). Boqolkiiba shan iyo lixdan waa tiro aad u badan marka la eego meel Somalilaand oo kale ah oo aan lahayn ilo kale oo dhaqaale oo astura shaqa la’aantan xadhka-goosadka ah. Dood kasta iyo duruuf kasta oo la sheegaa ma yarayn karaan dhibaatada iyo xanuunka ay shaqa la’aantu ku hayso dadka iyo dalka Somalilaand. Waxa se cajiib ah in haddana ay reer Somalilaand xanuunka iyo dhibaatada ay shaqa la’aantu ku hayso ay tebaan uun maalinta ay dooni dhallinyarro tahriibaya siday ay badda ku dhacdo. Shaqa la’aanta iyo waliba qorshe xumada Somalilaand waxa ay xanuun iyo nabur ku tahay hore-u-socodka dawladnimo ee Somaliaand.
Hore waxa ay shaqa la’aanta iyo raja la’aanta mustaqbal ee dhallinyaradu u galaafatay waddamo badan oo Somalilaand aad uga horumarsanaa siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo waliba aqoon ahaanba. Mohaamed Bouazizi, waxa uu ahaa 26 jirkii sababay kacdoonkii carabta ee 2011 kii ka bilawday Tuniisiyamarkii danbena ku fiday waddamo badan oo carab ah. Waxa uu Bouaziz waji-gabax iyo quudhsi kala kulmay askariyad dhirbaaxday kadib markii uu hadal dhexmaray isaga oo suuqa wax yar oo uu reerkooda biilka uga soo saaro ku iibinaya. Arrintaasi waxa ay keentay in Bouazizi uu is-gubo. Sida ay qortay The New York Times, waxa uu ku qaylinayay intii aanu dhiman; shaqa la’aanta ayaa igu kalliftay in aan suuqa wax la fadhiisto (The New York Times, 2011). Ilaa arrintaasi ay markii danbe galaafatay waddamo kale sida Libiya, Masar, Yeman, iyo Suuriya oo wali iyadu sakaraad ah.
Shaqa la’aanta Somalilaand waxa halis ka sii dhigay dhawr arrimood: 1) Dadka reer Somalilaand oo u badan dhallinyaro tiro ahaan iyo waliba dhallinyaradaas oo inta magacyo jaamacadeed loo sameeyay la yidhi waad qalin jabiseene orda. 2) Dhaqdhaqaaqa iyo fursadaha shaqo ee Somalilaand oo yar iyo baaahida oo aad u badan. Tusaale ahaan ma jiraan warshado yaryar, maalgashi shisheeye iyo shirkado waawayn oo dhallinyarada shaqaalaysiiya. Taasina waxa ay keentay in ay fursaddihii yaraa ee jiray si khaldan loo maamulo oo aan karti iyo aqoon lagu xulin qofka la shaqaalaysiinayo ee ay jiraan siyaabo kale oo aan caddaalad ahayn. 3) Qorshe la’aan haysata da’yarta iyo dawladda Somalilaand oo runtii ku guul daraystay in ay ugu yaraan rajo abuuraan. Inanka iyo inata reer Somalilaand waxa uu warwar iyo walaac u bilaabmaa maalilnta ay jaamacadda ka baxaan ee meel kale oo ay u kallahaana aanay jirin. Waxa isaguna warwarka la qaba waalidka oo isaga laftiisu duruufta adag ku baraaruga uun marka ilmihiisu kallihi waayo. Mushkiladda shaqa la’aanta oo keliya ayaa noqon karta nabur halis ah oo ay Somaliaand u geeriyooto haddii aan wax laga qaban.
Siyaasadda Arrimaha Dibabadda
Inkasta oo sida aan hore u soo sheegay ay jiraan meela badan oo ay Somalilaand khiyaali kaga nooshahay haddan siyaasadda arrimaha dibaddu waa ta ugu sii darran. In aanay Somalilaand ilaa maanta, shan iyo labaatan sanno kadib ku guulaysan in ay samaysato saaxiib fiicani waxa ay tusaale iyo caddaynba u tahay fadhiidnimada siyaasadda arrimaha dibadda ee Somalilaand. Ku darsoo ilaa maanta cidi isma waydiin maxaa innaga khaldan? Dadkuba waa ay faraxsan yihiin oo aqoonsi bay sugayaan. Malaha wax aanan ogayn bay dadku ogyihin. In dadka reer Somalilaand ay ku noolaadaan been qurux badan iyo marin-habaabin joogta ah, waxa u dhaanta in ay ku noolaadaan run qadhaadh oo keenta hawl iyo shaqo.
Marin-habaabinta iyo khiyaali-ku-noolanimadu ma aha uun in aad wax aan jirin dadka u sheegto ee, sidoo kale waa in aad wax jira si khaldan oo aan sax ahayn aad u micnayso. Tusaale ahaan, in aad tidhaahdo baasaboorka Somalilaand baa la aqoonsanyahay oo dalal badan lagu tagaa maaha arrin sax ah. In baasaboorka Somalilaand dal kale lagu tago iyo in la aqoonsdaana waa laba arrimood oo aad u kala duwan. Baasaboorku si aad dal kale ugu tagto waxa uu u baahanyahay fiise, fiisahana waxa bixisa safaarad. Inkasta oo ay safaaraddaasi dal kale ka wakiil tahay haddana hadday doontona way ku siin fiisaha hadday doontona way kuu diidi. Arrinta aqoonsigu waa arrin ka wayn wax ay safaaradi bixiso waxa aanu u baahanyahay qiraal iyo qoraal dawladeed oo ay bixiso dawladda wax aqoonsanaysaa talo iyo tashi dheer oo dhexdeeda ah kadib.
Waxa kale oo aan sax ahayn siyaasad ahaan, safarrada ay madaxda iyo siyaasiyiinta (muxaafid iyo mucaarid) Somalilaand u baxaan iyo sida ay uga warbixiyaan marka ay baxayaan iyo marka ay soo noqdaanba. Runtii wax badan oo aan xaqiiq ahayn bay shacabka u sheegaan, shacabkiina waxa uu noqdayadhi daasad kama ilbaxo oo maalin walba way ugu celiyaan oo iyaguna way dhagaystaan uun. Tusaale ahaan marka ay soo noqdaan waxa ay yidhaahdaan waxa aan la kulaney cid hebal iyo cid hebal oo waxa aanu kala hadalay aqoonsiga Somalilaand. Arrinta ah khiyaali-ku-noolnimadu waxa ay ceeb iyo waji-gabax joogta ah ku tahay guud ahaanba dadka reer Soomaalilaand gaar ahaana inta khiyaaliga buunbuunisa cida ay doonaanba ha ahaadaane.
Siyaasiga reer Somalilaand
Siyaasiyiinta reer Somalilaand waa laba qaybood, qaybta koowaad oo ah qayb ay hayso aqoon-darro oo iska daa siyaasad iyo hoggaamin ummaddeed e, aan garan’ahaynin sidii ay naftooda iyo reerohooga u maamuli lahaayeen. Haa waa hadal adag! Laakiin waa run oo, waxa haysa aqoon-darro. Dhibta iyo dhakafaarka waxa keliya oo lagaga baxaa waa in runta iyo dhabta la waajaho. Si la mid ah sida loo barto cilmiga dhakhtarnimada iyo ka injineernimada ayaa loo bartaa cilmiga siyaasadda iyo hoggaaminta. Sida ay u adagtahay in aad ka ogolaato in uu naftaada qalo qof aan dhakhtar ahayn si la mid ah ayay u adagtahay in hoggaanka dalka iyo dadkaba loo cumaamado qof aan aqaoon iyo waaya-aragnimo midna lahayn. Waliba in qof aan gayin aqoon ahaan hoggaanka dal iyo dad loo dhiibaa ka khatar iyo halis badan ninkaa naftiisa u dhiibay qof aan dhakhtar ahayn .Sababta oo ah, dhakhtarkaasi waxa uu ku gafaa oo uu nolosha seejiya waa hal qof halka siyaasigaasi ama hoggaamiyahaasi uu dal iyo dad dhan nolosha seejin karo. Uma jeedo macnahayguna maaha hoggaamiye kasta siyaasadda ha barto ee waa in uu siyaasi kasta iyo hoggaamiya kastaa leeyahay aqoon iyo waaya-aragnimo u sahasha shaqada culus ee uu ummadda u hayo.
Nooca labaad ee siyaasiyiinta reer Somalilaand waa qaar aanad marna ku tuhmi karin aqoon la’aan iyo waaya-aragnima la’aan toona. Waliba waxa ay qaarkood barteen aqoontii ugu habboonayd ee ka caawin lahayd hoggaaminta iyo siyaasadda sida dhaqaalaha iyo garsoorka waxa aanay ka baxeen jaamacado waawayn oo dunida aad looga yaqaano. Xaga waaya-aragnimada waxa ay ka shaqeeyeen ama ugu yaaraan noloshooda qayb ka mid ah ku qaateen waddamada ku talax-tagay ku dhaqanka iyo ka midha-dhallinta dawladdaha casriga ah. Kuwaasina malahayga, iyaga oo wax walba og waxa ay doorteen in ay shacbiga habeen iyo maalinba been iyo khiyaali u sheegaan iyaga oo ilaashanaya dana siyaasadeed. Khatarta ugu wayn ee maanta Somalilaand hortaalaa waa siyaasigaa aqoonta iyo waaya-aragnimadaba leh ee haddana in uu ummadda u shaqeeyo ka doortay dano siyaasadeed oo ah dhaqaale ama kursi. Isku soo duuduub labada qaybood ee siyaasiyiinta iyo hoggaamiyayaasha reer Somalilaand waxa ay ku guul daraysteen in ay shacbigooda tabaalaysan u horseedaan xal siyaasadeed. Qolo waxa ay noqdeen qawlaysato siyaasadeed halka ay qolada kalena noqdeen danaystayaal siyaasadeed. Waa suura-gal in ay jiraan inyar oo fiicani nasiib darro se ma muuqdaan.
Daawaynta Xanuunada
Diraasado dhab ah oo la sameeyo
Somalilaand maaha dalka keliya ee la daalaa dhacsan ka midha-dhallinta dadaalka ay ku raadinayso helidda dal xor ah iyo dad is ogol oo ka fayaw wax kasta oo wax yeeli kara midnimada iyo hannaanka dawladnimo sida caddaalad-darro, raja la’aan, maamul-xumo iyo musuqmaasuq. Arrintaasi waxa ay Somalilaand u saamaxaysaa, in ay dalalka kale ee adduunyada kaga dayan karto wax kasta oo gaadhsiin kara yoolkeeda. Xarumo diraasadeed (research centers) iyo diraasado dhab ah oo dhinac walba leh oo la sameeyaa waxa ay bar bilow fiican u noqon karaan waddada horumarka. Tusaale ahaan, haddii ay sannadkii hore 2014 kii shaqa la’aantu ahayd 60% kii ku xigay ee 2015 kiina ay wali intii uun taagantahay waa 60%, waxa si sahal ah loo ogaan karaa in aan shaqo la qaban oo ay wax wayni khaldanyihiin. Waa sidan sida ugu wax tarsan uguna habboon ee ay Somalilaand dalka iyo dadka dib-ugu-dhisi karto waana sida ay dallal badani sameeyaan.
Helidda diraasado-cilmiyeed oo dhab ahi waxa ay Somalilaand u soo kordhin doontaa ugu yaraan laba faa’iido; 1) In sida aan kor ku sheegay ay Somalilaand si sahlan u ogaato kolba meesha ay taagantahay iyo inta ay wax-u-kordheen waaba haddii ay wax kordhaane iyo 2) In ay soo gasho tartanka waddamada jaarka iyo guud ahaanba dunida inteeda kale. Inkasta oo kan danbe si uu ugu xidhanyahay aqoonsi oo aanay Somaliland ka mid noqon karin diraasadaha caalamiga ah ee uu adduunku sameeyo haddana haddii ka hore la helo waa looga qiyaas qaadan karaa halka aad waddamada jaarka iyo adduunyadaba kaga jirto.
Shacab soo jeeda oo la xisaabtami kara Madaxdooda
Arrinta la xisaabtan la’aanta shacabku aanay madaxdooda la xisaabtamini inta ay jirto guuli waa wali. Wax lala yaabo maaha in qof siyaasi ahi uu sameeyo waxa uu doono ama uu qaato go’aan dalka iyo dadkaba hagardaamo ku ah oo aduunyadaba waa ay ka dhacdaa taasi. Waxa se wax lala yaabo ah in aanu shacbigu qaban siyaasiga iyo hoggaamiyaha noocaas ah. Qof iyo qof, koox iyo koox, dawlad iyo shacab intuba waxa keliya ee ay ku wada socon karaan waa sharci. Sharcigana wax-tarkiisa ugu wayni waa in uu cadaallad dhalo iyo in uu balaayana kaa xijaabo barkhadna kuu horseedo, taasina sida keliya ee ay ku iman kartaa waa in uu jiro isla xisaabtan dhab ahi. Sax maaha in ay shacabku dawladda baryaan in ay wax u qabato ama ummadda u shaqayso oo ay horumar gaadhsiiso dalka iyo dadka ee waa in ay shacabku amraan in ay dawladu shaqadeeda gudato. Si kale haddii aan u dhigo waa in ay dawladdu ka baqdaa shacabka, maaha in uu shacabku ka baqo dawladda illayn dawladda shacabka ayaa doortay oo ay u shaqaysaaye.
Adduunyada way ku yar yihiin waddan ama ummado horumaray iyaga oo aanay shacabkoodu hormuud ka ahayn. Sidaas bay ahayd Maraykan, Faransiis, Jabbaan iyo waddamo badan oo reer Yurub ahba oo maanta horumarkooda la majiirto (Fukuyama, 2004) . Dabcan way jiraan waddamo aw horumarkoodu kor ka soo bilaabmay oo inta ay hoggaamiyayaal fiicani u kaceen ay shacabkoodiina sida kiniinka liqsiiyeen yoolkoodii iyo hadafkoodii horumarineed. Waxa kale oo ay hoggaamiyayaashaasi kasbadeen quluubta iyo taageerada shacabkooda taas oo iyaduna keentay in ay ku daba-galaan hoggaamiyayaashooda geedi-socodka loogu jiro horumarka dadka iyo dib-u-dhiska dalka. Waxa waddamadaa ka mid ah Singabuur iyo Maaleehsiya. Waxa kale oo xusid mudan in aanu horumarku lahayn hal qaacido ama hal waddo oo loo maro ee taa bedalkeeda uu yeelan karo wadooyin badan oo dhamaantood ku dhamaadda guul iyo horumar.
Waxa ay taariikhdu inna bartay in waxa keliya ee waaraa uu yahay waxa uu shacabku rabo. Sidaa darteed, Somalilaand waxa ay mar walba ahaanaysaa sida uu shacabkeedu rabo. Shalay, shacabka reer Somalilaand iyaga ayaa go’aamiyay halka ay maanta joogto, berrina iyaga ayaa go’aamin doona halka ay Somalilaand joogi doonto. Markaa haddii ay dadka reer Somalilaand ku qanacsanyihiin halka ay maanta joogaan oo waliba ay isku haystaan in ay shaqeeyeen dabcan gar bay u leeyihiin in ay isu-sacabo-tumaan iyo in ay is-mahadiyaanba. Haddii se ay wax dhiman yihiin sida aan qabo, isla markaana waxa dhimani ka muhiimsan yahay waxa la haysto, ha la shaqeeyo oo shacabku ha tooso oo madaxdiisa hala xisaabtamo isaguna, waa shacabka e, ha is-xisaabiyo.
Hoggaan fiican
Hoggaanku maaha meesha keliya ee wax laga sixi karo, sida ay dad badani ku doodaan, laakiin waa meel ka mid ah meelaha ugu habboon ee laga bilaabi karo in wax la saxo. Inkasta oo ay hoggaan kasta iyo shacabkiisu isku eegyihiin, illayn hoggaanku shacabka uun buu ka soo baxee, haddana taasi ma keenayso kumana khasbayso in uu hoggaanku mar walba u eekaado shacabkiisa. Waa haddii hoggaanka iyo xukuumadda ay ka go’antahay ka samata-bixinta dhibaatooyinka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee haysta ummadda. Waana halkaaa meesha ay fursadda uu hoggaanku wax ku sixi karaa ku jirtaa. Hoggaanku maaha karti uun. Haggaanku waa isku darka go’aan, dhiiranaan, geesinimo iyo xodxodasho keeni karta in ay dadku kugu daba galaan kuguna adeecaan waxa aad rabto (Lee Kuan Yew, 2000)
Waxa la sheegaa in hoggaanka dal iyo dad uu xumaan karo ilaa inta ay ummadda ama shacabka ay xukumayaan uu xunyahay bal se haddii shacabku uu fiicanyahay aanu hal saac xukumi karin hoggaan xumi. Haddaba fursadda dahabiga ah ee ay xukuumadaha iyo hoggaamiyayaashu ay haystaani waa in ay heli karaan cududda, taageerada iyo tilmaanta shacabka haddii ay, waa hoggaamiyayaasha eh, gartaan waajibka saaran oo ah in ay dalka iyo dadka ugu shaqeeyaan si daacad ah oo ay kariti, aqoon, geesinimo iyo waliba naf-huritaanba ku jiro.
Horumarka dal iyo dad lagama eego inta xukuumadood ee is bedalay iyo inta doorasho ee dhacday toona ee waxa laga eegaa inta ay hay’adihiisa dawladnimo horumar sameeyeen (Fukuyama, 2011). Haddaba baladigu eeg, intee in le’eg ayay koreen saddexda hay’adood ee dalka ugu sarreeya ee ah xukuumadda, garsoorka iyo sharci-dajinta? Wada shaqaynta iyaga dhexdoodu intee in leeg ayuu kobcay? Jawaabaha waydiimahan ayaa laga qiyaasi karaa halka ay Somalilaand joogto 25 sanno kaddib.
Haddii aanay hoggaanka iyo siyaasiyiinta reer Somalilaand dib u xisaabtamin, haddii aan la qaban wax ka duwan waxa hadda la wado oo ah is-mahadin, haddii aan mar walba lagu dhiiran runta xataa mararka ay qadhaadhahay waxa ay Somalilaand halis u tahay in ay mar labaad lunto oo halkaa uu ku khasaaro tacabkii iyo tamartii la galiyay dib-u-dhiska Somalilaand
Gabagabo
In dal, dad iyo dawlad fiican oo shacbigeeda u adeegta la dhisaa, runtii, maaha wax sahlan waana la sababayn karaa inkasta oo ay kala duwanaan karto oo aanay meelina meel kale la mid ahayn ummadina ummad kale la mid ahayn. Somaaliland marka ay timaado, way badanyihiin waxyaabaha adkayn kara in la helo dawlad fiican oo hadafkeedu yahay u adeegidda shacabkeeda waxana ka mid – kala duwanaanshaha dhaqanka qofka reer Somaliaand iyo habka dawladnimada casriga ah, hayn la’aanta ummadeed oo ay shaqa la’aantu kaw ka tahay iyo waliba fahan la’aanta siyaasadda guud ahaaan gaar ahaanna ta arrimaha dibadda. Intaa waxa sii dheer laba arrimood oo aad halis ugu ah Somalilaand. Midda hore waa waxa aan u bixiyay“Is-mahadin” oo ah inta ay reer Somalilaand imtixaan iska qaadeen in ay haddana isla iyagu isku saxeen. Ta labaad ee Somalilaand halista ku ah ee haddii aan wax laga qaban Somalilaand la doondooni doonaana waa, siyaasi iyo hoggaamiye aan ka war qabin ama u jeedin dhibaatooyinka bulsho ee shacbiga reer Somaliland la daalaa dhacayaan habeen iyo maalin iyo kuwa ku soo fool leh.
Xaga xalka haddii aan eegno, waxa aan qabaa in helidda hoggaan fiican oo hiigsi fog leh, shacab soo jeeda oo hoggaankooda la xisaabtama iyo waliba samaynta daraasado-cilmiyeed oo dhan walba lihi ay bar bilaw fiican u noqon karaa geedi socodka ee reer Somalilaand ugu jiraan in ay noqdaan dad hodan ah iyo dal xor ah oo leh hay’ado dawladeed oo tayo leh oo habeen iyo maalinba u adgeega shacabka reer Somalilaand. Somalilaand waxa ka maqani aqoonsi uun maaha; aqoonsiguna maaha xalka baylahaha Somaalilaand oo dhan. Xataa haddii ay dhacdo in Somaliland maanta la aqoonsado, xanuunadaa aan sheegay waa kuwa jira oo u baahan daawo. Somalilaand ama waa laga tahriibi oo waxa ay hoy u noqon shaqo la’aan iyo rajo la’aan ama waa loo soo tahriibi oo waxa ay noqon goob rajo iyo barwaaqo.
Haddii aan ka hadlay wax aad tabaysay iyo haddii kaleba waan kaaga mahad celinayaa in aad akhriday qoraalakan.
Xumaha dhaafaha
Wanaaga dhisaha
Wixii dhacayaba
Dhankiisa hayaha
Waddaniga dhabta ah
Allaw dhawr, Allaw dhawr
Somalilaand Allaw dhawr
(Nuur-Daalacay, 2011)
Mohamed A. Askar
Sweden, Stockholm
Askar182@gmail.com
May 2016