Taariikh murgaysa (WQ: Cabdirisaaq Cumar Caynaan)

 

Waxa hubaal ah in taariikhdeena hore barashadeedu ay inoo horseedayso hiigsi wanaagsan iyo riyo fiican oo aynu la nimaadno mustaqbalka, kana feejignaano khaladaad hore oo aynu soo galnay iyo wanaagba muddooyin hore oo ay u baahan yihiin daโ€™yarta iyo dalkuba si ay u ogaadaan waxay soo mareen ama ahaayeen.

Waxa jirta in dhawrkii sanno ee ugu danbeeyey ay qayb ka mida walaalaheena soomaaliyeed ee koonfurtu damacsan yihiin inay dib u qoraan taariikhdii soomaalida ee muddooyinkii burburkii Dawladdii Soomaaliya socday iyo waxyaabihii sababay burburkaas.

Dub uqoristaa sooyaalka taariikheed ay la damacsan yihiin wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamayaa ama ku sheegayaa dhibkii iyo gumaadkii la inoo gaystay (Somaliland) haday tahay mid nafeed, Dhaqaale, waxbarasho, dhisme & maamul ahaanba.

Waxaa jira shakhsiyaad ku suntan dhibkii ay inoo gaysteen oo ay ka mid ahaayeen โ€œMorgan, Cali Samatar, Siyaad Barre iyo dhammaan dadkii xidhiidhka la lahaa dhibkaas la inoo gaystay oo aan la ilaawi karin.

Jeneraal Cali Samatar oo ay muwadiniin u dhashay Somaliland maxkamad la tiigsadeen ayaa loo sameeyey aas qaran oo madaxdoodii dhamaantood ka soo qayb gashay, taasi oo macnaheedu u dhignaa in la majarhabaabiyo eedaymaha loo jeedinayo, maalmuhu way isdaba socdaan wakhtiguna inama sugayo. Maalinba in nin taariikh cusub loo sameeyo ayaa la rabaa.

Haddaba bahda qoraalka ku hawlan ee mudooyinkii ugu danbeeyey qoray buuggaag badan oo aad loo mahadiyey oo ku saabsanaa badankoodu taariikh shakhsiyaad wanaagsan oo magac agteena ku leh. Waxaa loo baahan yahay inaad qalinka u qaadataan sidii dadkii dhibka inoo gaystay wax looga qori lahaa iyadoo wajiyadooda dhabta ah aynu ku muujinayno qalin, si jiilalka danbe ee ina badalaya aan loo khaldin.

Maxaa inaga hortaagan inaynu ka qorno dhacdooyinkaa dhibta inoo gaystay iyo shakhsiyaadkii sababay ina qoraal ka samayno, waan karnaa baan filayaa waanaynu qori doonaa insha Allah.

Intii hore wax uga qortayna way ku mahadsan tahay in kale oo badan inay qoraana waa fiican tahay. Bulshada Somaliland dalkeena way la jiraan lana jiri doonaan.

Dhammaad

Hoos ka akhri maqaal hore oo uu qoray ย Cabdirisaaq Cumar Caynaan

Ma fan mise dhaqan xumo