Tuugtii Daaqadaha (WQ: Cali Cabdi Coomay)

 

Tuugannimadu waxa ay gashaa meelo badan, hasayeeshee waxa caasimada Hargaysa ku soo badanaya tuug qaab xirfadaysan dadka u xada. Waxa hore caasimada ay tuugtu dadka ka qaadi jireen Tilifoonada gacanta markay marayaan goobaha bilaa laydhka ah ama madow, laakiin markii ay dadkii la fahmeen in goobahan lagu xaday way ka leexdeen, taasina waxa ay tuugtii ku keentay inuu suuqoodii hoos u dhaco. Tuugtii waxa ay u wareegeen farsamo kale, bal aan sheegno.

Basaska Hargaysa iyo Tuugta

Sida caadiga ah habeenkii basaska isaga kala goosha xaafadaha caasimada, waxa dhacda in dadku markay baska raacaan ay furtaan daaqadaha baska, iyaga oo qaarkood tilifoonkood gacanta  ku isticmaalaya Internet-ka. Waxa aanay isugu jiraan kuwa shaqo ku mashquulsanaa oo eegaya wararkii gudaha iyo dibada, iyo kuwa sheeko dumar iyo duunyo ku jira.  Ka dib tuugtii ayaa istaagta hareeraha waddooyink basku marayo, dabaceed waxa ay isha la raacaan gabadha ama wiil daaqaddu u furan tahay oo moobil isticaamalay, markaasay baska soo garab ordaan markaba waxa ay ka dhuftaan tilfioonkii. Dadka baska saarnaana waxa ay ku war helayaan qaylada odhanaysa….waar qabta, alla tilifoonkaygii, hoogay IWM.

Dhacdooyinkii Dad Laga Dhuftay Moobilkoodii

= Dhacdada koowaad: cabbaaro 8:30 habeenimo ayaa bas u baxayey xaafadda Dalloodho, oo  marayey  agagaarka dugsiga Biyo dhacayga hoose, ayaa gabadh si fiican u lebisan oo ay isugu darsantay quruxdii dabiiciga ahayd iyo tii maadiga ahayd oo daaqadu u furan tahay laga dhuftay Moobilkii. Mise jaqaaq, mar keliya ayaa la wada eegay, mise alla ii qabta, alla tilifoonkaygii, alla ba’ay iyo kelmado kale oo u badan calaacal ayaa gabadhii ka soo yeedhay. Tuugtii iska daa in la qabtee meel uu maray lama arag. Gabadhii waxa loogu laab qaboojiyey in Ilaahay qoray in halkan moobilka lagaga qaado. Markaasay dalbatay in tilifoon loo dhiibo si ula hadasho dadkii ay ballanta la lahayd, waana loo dhiibay.

=Dhacdada labaad: cabbaaro 7:00 habeenimo ayaa bas u baxayey xaafadda calaamadaha, markii uu basku marayey meel ku beegan hudheelka STAR ayaa moobilkii daaqada lagaga dhuftay wiil dhallinyaro ah oo sheeko xiiso badan malahayga la wadaagayey gabadh ay xidhiidh leeyihiin. Wiilka oo ahaa dhallinyarada kubbadda cagta ciyaarta muuqaal ahaan, ayaa markiibaa daaqada baska ka booday oo daba cararay tuugii. Tuugii ayaa ka dheerayn waayey, markaasuu moobilkii tuuray, isnna wuu soo qaatay, waxaanu ku soo noqday baskii. Mid ka mid ah dhallinyaradii baska saarnayd ayaa si hoose ugu hadlay af-suuqdi waxaanu yidhi” wuxuu la ciyaaray gaajo”. Oo uu u jeedo wuu ka dabahadhi waayey.

= Dhacdada saddexaad: cabbaaro 9:00 habeenimo bas u baxayey xaafadda Cabaaye oo marayey taagga la yidhaa’ NASIYE’, ayaa moobilkii laga dhugtay nin da’ahaan 50 jir ahaa oo uu muuqday inuu qurbaha ka yimid. Mise markiiba wuxuu ku calaalacay afsoomaali iyo af-faranji isku jira oo aan ka xusuusto’ How, it is not fair, impossible, why. Miyaanay security jirin, shit. Dadkii baska saarnaa ayaa isku dayey inay ugu qalbi qaboojiyaan, in aanu calaf ku lahayn, hasayeeshee wuu diiday.

Wiil dhallinyaro ahaa oo u muuqday ardayda jaamacadaha dhigtay ayaa ka damqaday kelmadaha af-faranjiga ah ee ninku adeegsanayo, markaasuu si fudayd iyo dhallinyaronnimo ku jirto ugu yidhi” waar shan tilifoon ayaa sidaasi la iiga dhuftay ee iska xamil oo la qabso waddanka, haddii kale orod oo dhulkii af-faranjiga lagaga hadlayey tag. Wuxuu si cadho leh u yidhi” NO, NO meeshu waddan maaha”. Islaan ag-fadhiday oo ahayd dumarkan aan hadalka la gabban ayaa sanka ka gashay oo ugu af-celisay” naa ma qurbaha ayuu ka yimid waa kan la yaabban moobil laga dhugtay?, Ilaahay muu ku soo beegmo markii xabbadda nool la isku dhufan jiray ee waxaad hayso xoog lagaaga qaadayey. Markaasuu cadho jiqnoday oo uu dalbaday in baska loo joojiyo, si uu uga dego, waanu ka degay, Isaga oo haddii la saro aanu dhiigna ka yimaadeen. Shacabka Hargaysa waa inay iska ilaaliyaan tuugtaa habeenkii boobaysa.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan, Calicoomay@hotmail.com