Ubaxa, baaqiga hadhay badbaadiyaay (WQ: Jaamac Aadan Maxamed)

โ€œSomaliland: Bulsho aan cidna u maqnayn ceella u qodnayan.โ€

Fikirkayga Shakhsiga ah: waxa aan u arkaa in xukuumadda Somaliland ku fashilantay kuna guul daraysatay In ubixii dalka ay ka badbaadiso baddaha ay sidii baalalayda oo kale ugu daa’danayaan.

In la dhiso dhismayaal tira badan oo dawladdeed iyo laamiyo waxa ka qiima badan in la dhiso nolosha hal qof, dawladdaha ka jira Caalamkan aynu ku nool nahay waxa dhacda in ay is ku dhacaan laba dawladdood, iyada oo isku dhacaasina ka bilaabmo hal qof oo loo dilay sifo khaldan ama loo xidhay waxa dhacadaba in ay xidhiidhkooda kala furtaan (Cilaaqaadkooda Dublamaasinimo iyo Safaaradahooda Kala qaataan) haddii ay dhacdo masiibo intay doontaba ha leekaatee waxa ay dawladdaha qaarkood sameeyaan wakhti ay murugo ahaan u xusaan sida in ay dejiyaan oo hoos u dhigaan calanka dawladdaas ama ay u sameeyaan xus gooniya sida in ay aamusaan wakhti daqiiqado ah.

Dawladdahaas aynu kor ku soo xusnay ee heerkaas ay ka joogaan qiimaha dadku, ku darsoo waxa ay u badan yihiin kuwa gaaladda ah, haddaba marka dadka gaalada ah noloshoodii qiimahaas adduunka ka leedahay bal iswaydii tii Muslimka ahayd qiimaheedu intuu leeg yahay?.

Habqanka iyo ocdaalka dhallinyartii ubaxa u ahaa waddankeenu ay ugu dhul yaalayaan waddamadda debedda waa mid muddo dheer waddankeena ka taagan una muuqataba wax iska caadiya in ay noqotay, Geerida naxadinta leh iyo murugadda hadhaysa maalin walba qaar inaga imid ah haddii ay dawladdi jirto waa midaan damiirka badqabaa sii eegankarayn.

Waxaad ogtihiin in dhallintii Somaliland ay ku hoobatay doonidii ka baxday waddanka Masar oo ay ku dhinteen Boqolaal qof oo intooda ugu badanina ay ka soo jeedeen dalkeenna xumuumadda Somaliland waxa ay u muuqata mid wax dareenna aan ka qabin ummaddaasi haligantay iska daa in ay u baroordiiqdo oo tacsiyaha la qaybsato guryaha tirada badan ee maanta geerida looga fadhiyo.

Xukuumadda Somaliland ee taladda hadda haysa intii aan la dooran ayaa ololihi ugu badnaa waxa ay u gashay in ay la dagalaami doonto, waxaan hal-hays u ahaa ololahaas โ€œTahriibkaโ€ ย oo ay boodhadh waaweyn ku qori jireen:

โ€œUDUB way tagysaase ha tahriibin.โ€

Waxanay had iyo jeer odhan jireen abuuri doonto mashaariic horumarineed oo shaqo loogu abuuraayo dhallinyarada waddanka kuna kacaaya dhaqaale ka badan Shan milyan oo Doolar (500โ€™000).

Balse markii xukuumadda la soo doortay ee taladda qabatay waxa ay arrimahaasi oo dhami noqdeen kuwo barkuma taal ah, waxaana halkii ka sii socday tahriibtii iyo hayaankii dhallinta, waxa mar kale gudi loo saaray dhibaatadda tahriibka waxaanay noqdeen kuwo aan lagu diirsan.

Ugu danbayn waa in laga gilgishaa dadka baddaha ku dhammaanaya lana helaa xal waara oo lagu joojiyo dadkaasi, ileen Somaliland way is ogtahay oo qofna maanta ma dheere.

Allahayoow Ummaddaada U Gargaar.

Jaamac Aadan Maxamed.

Hargeysa Somaliland.