Wadashaqayntii Fadal iyo Difaacayaasha Xuquuqda aadmiga Somaliland (WQ: Suleiman Bolaleh)

Waxan tacsi tiraanyo leh la wadaagayaa guud ahaan Ciidan waynaha Booliska Jamhuuriyada Somaliland Hogaamadiisa kala duduwan, Xaasaska iyo Caruurta Ciidanka Booliska, Askarta hadda Amniga Qaranka gacanta Ku haya iyo kuwooda hawlgabka ah iyo dhamaan Naafada Ciidanka Booliska Somaliland oon uga tacsiyadaynayo Geerida Ku timid Taliyihii Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo xaqii ugu yimid Caasimada Somaliland.

Marxuunku waxa uu noloshiisii oo dhan u hibeeyay Wadankiisa Somaliland oo uu ka dhigay mid amaankiisu deeqo Muwaadiniinta isagoo kaashanayay shacab kiisa, Ciidamadiisa iyo Dawlada.

Waxan tacsidan oo kale u dirayaa GUUD ahaan Qaranka Somaliland oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha Muse Biixi Cabdi iyo Marwooyinkiisa iyo Madaxwayne Ku Xigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo Marwadiisa, Golayaasha Sharcidajinta Garsoorka iyo GUUD ahaan shacbi waynaha Somaliland, Si gaar ah Waxan uga tacsiyadaynayaa Qoyskiisu uu ka baxay caruurtiisii iyo xaaskiisii GUUD ahaan samir iyo Iimaan Saadiq ah Eebe ha inaga wada siiyo isagana Naxariistiisa Jano fardowsa haka waraabiyo.

Marxuunka waxanu isku baranayay hawlaha Xuquuqda AADAMIGA oo aan mudo dheer ka soo shaqaynayay iyadoo aan Ciidamada Booliskana aanu Xidhiidhkayagu wanaagsanayn iyagoo marar kala duwan Xabsiga ii taxaabay difaaca Xuquuqda AADAMIGA awgeed.

Bilowgii 2000s Marxuunka oo markaa ahaa TALIYAHA hawlgalinta Ciidanka ayaa xafiiskiisa iigu yeedhay waxanu ugu yidhi ka waran haddii aanu Boolis ahaan aanu kula qabano hawshan Xuquuqda Aadamiga oo 90% ah mid anaga na Khudbada.

Waxan ugu jawaabay haddii intaa la idinka helayo maxaan Ku diidi. Kadib waxa uu iga codsaday xadgudub kasta oo aad aragto ama lagula soo socodsiiyo oo Boolisku si uun ugu lug leeyahay inta aanad CID Ku dhaleecayan aniga oo kaliya ila soo socodsii, xafiiskaygu waa kuu furan yahay xili kasta ama ila soo hadal.

Aniguna isla 7 maalmood kadib Arion dhacay ayaan lasocodsiiyay, waxanu qaaday xogaha aanu siin jiray oo isugu jiray Ku tagrifal awoodii Booliska, xadhig sharcidaro ah l, isticmaal awood aan loo baahnayn, jidhdil, eex iyo laaluush. Masuuliyiin Boolis ah Wuu Casilay Maxaabiis badan waa soo daayay oo qaarkood xafiiskiisa ayuu raali galin Ku siiyay iyadoo difaacayaasha Xuquuqda AADAMIGU goobjoog yihiin, waxa uu booqday saldhigyo Boolis oo Maxaabiis lagu garaacay oo aanu u sheegnay, ugu yaraan 65% xadgudubyada Booliska ee aanu la socdsiinay wax ayuu ka qabtay.

Wada shaqayn ta noocan ah ayaa difaacayaashii Xuquuqda AADAMIGA Somaliland ee xiligaasi oo aan ka mid ahaa uga midho dhal wanaagsanaatay maadaama oo ay Dalka iyo Muwaadiniinta iyo dhibanayaasha Xuquuqda Aadamiga ay uga Waxtar wanaagsanaatay iyo Ajaaniibtii joogtay wadamada reer Galbeedka oo aanu mudo dheer la socodsiin jiray tacadiyada Somaliland gudaheeda ka dhacaya iyo Cambaarayntii iyo Dagaalkii saxaafada ee aanu miciinka uga raadin jiray wax ka qabaa hada Gaboodfalada Dalka ka dhaca.

Mararka ay shaqayn waayaan talaabooyinka was lagu saxayo oo Dalka gudihiisa ah waa sax in aad Afka gacanta galisa balse ilaa Cad inta aad helikarayso Qaabab aad ku joojiso tacadiyada Xuquuqda AADAMIGA Dalka gudihiisa iyagaa ka waxtar badan 100% reer Galbeed aad gurmad waydiisato.

Rabi Naxariistiisa Jano haka waraabiyo Cabdilaahi Fadal Iimaan shacbiga iyo Qaranka Somalilandna samir iyo Iimaan Eebe haka siiyo.