Laba Kooxood Sixitaanka Ma Aqbalaan (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Dadka bulshada aad ugu dhex jiraa waxa ay la socdaan kolba halka uu taagan yahay hab-fikirka bulshada iyo siduu waayahoodu yahay. Dadka se aan ku dhexjirin, waxa kuwa aan la jaan qaadan bulshada ay la nool yihiin. Nin ka mid ah culimada waaweyn ee reer Hargaysa ayaa beri dhexdaa ahayd u tegay abwaan weyn oo qayb laxaad leh ku lahaa halgankii SNM dalka kaga xorraysay taliskii MSBarre. Wuxuu ku yidhi sheekhii abwaankii “bal waxaad iga qancisaa sidaad ugu guulaysateen inaad hanataan quluubta shicibkii beesha dhexe ee aad ku kiciseen taliskii Maxamed Siyaad Barre.

Iyo sababta aanay culimada Soomaalilaan haatan saamayn la taaban karo ku lahayn bulshada” Abwaankii wuxuu ugu af-celiyey” annagu wakhtigii aanu SNM ahayn bulshada ayaanu la fal-galay oo waanu la noolayn, xaalad kasta oo soo wajahda. Idinkuna bulshadii waad ka baxsan tihiin oo kuma dhex jirtaan. Mar weydinkaa baabuurta wata ee dadkii suuqa joogay aan dhex joogin, mar waydinkaa hudheelada waaweyn jooga” ugu dambeyntii ayuu yidhi Abwaankii haddii aad doonaysaan in aad saameyn ku yeelataan waaqaca dadka dhexgala. Waxa aan sheekadan uga socdaa qofba qofku bulshada kaga dhexjiro ayuu waayaheeda la soconayaa oo uu noqonayaa waaqici.

Haddaba laba kooxood oo bulshadeenna ka mid ahi inta badan ma aqblaan in la saxo ama lala loollamo, waayo umay baran ba oo waa shay ku cusub. Haddii taasi lagala horyimaadana markiiba way xanaaqaan oo fartaa gaadha. Labada kooxood, waxa ay kala yihiin Ganacastada iyo Wadaaddada aan waaqiciyiinta ahayn. Bulsho waxa u taliya: doofaar nin cay uga dulqaad badan, kudkude gaajo uga adkaysi badan, kurtin qorrax uga adkaysi badan, dhagaxna qabow uga adkaysi badan. Aynu dul istaagno sababta.

= Gancsatada: Ninka gancsadaha ahi waa nin inta badan wakhtigiisa amaro iyo tilmaamo bixiya oo aan u baran in isaga la tilmaamo ama la amro. Shaqadiisa nolol maalimeedka ahi, waxa ay ku dhisan tahay: Waar koontiinarkaa halkaa ka soo qaad, soo rara alaabooyinka, waxaasi ayaa lagu goynayaa qiimaha iibka, lacagtaasi sidaasi ka dhiga IWM. Ma dhacdo inta badan inay shaqaalihiisu kala horyimaadaan tilmaam ama doodd tiisa lagu diidan yahay, iyada oo tusaalooyin kala duwan dhinacyo badan laga tusaayo. Haddaba waxa ay arrin ka taagan tahay, markuu Ganacsadihii soo dhexgalo deegaan ka duwan kaasi uu ku soo caano maalay, ee lagala horyimaado dooddo iyo fikirkiisa waxba kama jiraan laga dhigo iyada oo si cilmiyeysan miiska loo saarayo, waxa lagu diidan yahay. Ka dib waxa ku dhacda laba midkood: Kow, inuu xanaaqo oo meeshaba isaga baxo. Laba, inay ka baahdo oo uu naxo ka dibna uu hadli kari waayo ama ka gaabsado waxa taagan. Dadka caadiga ah ee iska suuq joogta ahi, waa kuwa ugu waaqicisan bulshada oo way kaftamaan, dooddaan oo is-duraan, mase kala xanaqaan. Dhawaan ayaa maxkamada oo hawli iga gashay kula kumay nin gancasade weyn ah oo loogu yeedhay amar garsoore waraaq u qoray.

Sidaan sheekada ka fahmay waxa soo dacweeyey shaqaale isaga u shaqeyn jiray oo uu shaqada ka joojiyey. Kuwaasi oo dalbanayey xuquuqadii ay ku lahaayeen. Markii uu soo galay qolkii garsooraha, ayuu garsoorihii ku yidhi halkaasi fadhiiso. Mise wuxuu markiiba diiday amarkii. Waxaanu yidhi” waar fadhiisan maayee shaqo ayaa I sugaysa ee dhammee” garsoorihii ayaa yidhi, dacwada ayaa lagu haystaa ee fadhiiso shaqada aad ka sheekaynaysaa maxay tahay”. Waa kaa jiq noqday, ee cadho darteed indhihii casaadeen. Waan ag-fadhiyaa, oo waxaad moodaa in maanta oo dhan la eryanayey hiinfaadhka ka baxaya. Wax kale maaha amarkan ayaanu u baran oo isaga ayuun baa wax amari jiray. Sidoo kale Madaxweynaha Putlan Deni wuxuu ahaa ganacsade ka hor intii aanu siyaasadda soo gelin. Waa kii xamili waayey su’aal uu weydiiyey xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Putlan ee sidii foodley yar fidhiq iska siiyey.

= Wadaaddada aan waaqiciyiinta ahayn: Qaar ka tirsan culimadu lama socdaan waayaha dalka yaala, taasina waxa ay ku keentaa inay fahmi kari waayaan waxa ay bulshadu doonayso iyo waxa aanay doonayn. Wadaaddada Talbliiqa ayaa ugu waaqicisan ogaalkay intaan arkay wadaaddo waaqaca la socda, waayo iyagu waxa ay ku dhexjiraan bulshada. Maalin dhawayd oo aan bas soo raacay, waxa na soo raacay nin wadaad ah, baskana hees ayaa ka baxaysay. Dirawalka basku wuu mirqaasan yahay, weliba qaad ayuu afka ku hayaa. Wadaadkii ayaa amar bixiyey oo  yidhi” Adeer heesta bakhtii” dirawalkii ayaa ugu jawaabay “bakhtiin mayno ee adiga maxaa kaaga xidhan” mise waa kaa markiiba yidhi” noo joog aanu kaa degnaa, waa maxay caasigani” sidii ayuu kaga degay baabuurkii. Wakaa dirawalkiina ugu jawaabay, naga deg Daacish yahay.

30 mirir ka dib nin Tabliiq ah ayaa qaybta dambe ee baska wacdi ka bilaabay oo dadka ka wacdiyey macaasida iyo tukashada salaada. Dadkii baska saarnaa ayaa hal mar ku qayliyey oo yidhi, waar naga bakhtii aanu wacdiga dhagaysane. Sidii ayuu ku bakhtiiyey. Labada sheekh kala waaqicisan. Sidoo kale nin wadaad ah oo dhawaan joogay wasaaradda waxbarashada oo lagala hadlayey dugsi waqfi ah in loo diwaangeliyey inuu yahay goob ay bulshadu leedahay. Ayaa markii dooddii meel dhexe marayso markiiba albaabka ka booday, markii uu xamili waayey dooddii aanu hore ugu baran in lagala horyimaado. Markaa way adag tahay in labadaa kooxood la saxo, marka loo eego deegaanka ay ku dhexjiraan.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com