Waxay Xabashi Diiday, Soomaalina Diiday (WQ: Faysal Cabdi Rooble)

Waxa ay Itoobiya Masar (Egypt) ka diiday Soomaliduna in ay Itoobiya ka diido ayuu qalbigii salam ahi sheegayaa. Sheekaduna waa tan.
Sida is hardiga Soomaalida iyo Itoobiya uu salka ku hayo hashiisyo ay Itoobiya lagashay guumastaashii rer-Yurub qarnigii 19aad iyo kii 20aad, ayuu kan Itoobiya iyo Masrna ku hayaa heshiiyo Itoobiya iyo Ingriisku galeen xiliyadaasi hore.
Heshiisyadii Itoobiya iyo Ingriiska ka gaadheen Cariga Soomaaliyeed:

1. 1897 waxaa heshiis wada saxeexday Menilik iyo Sir Rennell Rodd oo ku aadanaa soohdinta labada imbradooriyadood dhinaca Soomaalida iyo Itoobiya.
2. 1948 dhulka Soomaaliyeed (Ogaden oo Qabridahar xarun u ahayd) ayaa lagu wareejiyey Itoobiya.
3. 1955 Haud ayaa lagu wareejiyey Itoobiya.
Intaasiba (iyo kuwo kale oo badan) waa heshiisyo laba imbradooriyadood dhexmaray Soomaalina diidanayd.
Dhinaca biyaha wabiga Nile Itoobiya iyo Ingriisku ama Ingriiska iyo Maser heshiisyo la fac ah kuwan kor ku xusan ayey kala saxeedeen ila fiiri:

1. 1902 Ingriiska oo Sudan haystay iyo Itoobiya ayaa heshiis kala saxeeday in aanay marnaba Itoobiya dhisi karin mashasrici xakameyna karta biyaha Nile iyo togoga ku darsama Nilka.
2. 1929 waxa heshiis kale galay Ingriiska iyo Maser Kasoo daryeelaya xuquuqda taariikhda ah ee Masar ku leedahay biyaha Wabiga Nile iyo Harta Tana. Itoobiyana may diidin heshiiska ee wey ictiraaftay.
3. 1959 Maser iyo Suudaan ayaa xoojiyey nuxurka heshiisyadii la saxeexay 1902 iyo 1929. Mar labaad Itoobiya ma diidin.

Hadaba 2020 oo hadeer ah, Itoobiya waxay leedahay heshiisyadii uu qaarkood Minilik u saxeexay iyo kuwa kaleba ma ictiraafayno. Waa dooda Itoobiya cuskanayso. Garanay doodaasi.
Maxaase Itoobiya u arki la’dahay doodda Umada Soomaaliyeed e odhanaysa waa waxba ka ma jiraan heshiisyadii laba gumeysi oo ahaa Ingris iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen tafaariiqaynta Cariga iyo qowmiyada Soomaaliyed?
Nidaamka dawliga Itoobiya ayaa sidiisaba had iyo jeer ku sifaysan axmaqnimo, imbradooriyad dib u hadh ah oo kani adag, xiligeeduna gaabaabsi yahay, laakiin ka faa’iidaysanaysa tawaan darida dadka Soomaaliyeed.

Heshiisyada Itoobiya kula wareegay dhulka Soomaaliyeed innaba lama xalaalayn karo. Kuwan Masar iyo Itoobiya ka dhaxeeya waxa aad uga cadcad kuwan Soomaali lagu godo’ay. Waase la gaadhi doonaa (Hadii Allah Idmo) xili dooda adag aynu ka furi doono heshiisyadan xaaraanta ah.
F
Waabilaahi Towfiiq