Shir lagaga hadlayay isku xidhnaanta nolosha iyo degaanka oo Hargeysa ka Furmay

Hargeysa (Dawan) Magaalada Hargeysa ayaa lagu qabtay kulan balaadhan oo lagaga arrinsanayay kala duwanaanshaha noolayaasha, iyo sidii loo ilaalinlahaa degaanada ay ku nool yihiin.

Kulankan waxa fulisay hayโ€™adda Candle Light, kaas oo socon doona muddo saddex cisho, waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta wasaaradda degaanka iyo isbedelka Somaliland, hayโ€™addo kala duwan iyo khuburo ku xeel dheer arrimaha degaanka, iyaga oo iska kaashanaya ilaalinta degaanka.

Kulankan ujeedadiisa waxa faahfaahiyay agaasimaha hayโ€™adda Candle Light Cabdirisaaq Bashiir, waxaanu sheegay in muhiimad gaar ay leedahay in la ilaaliyo degaanka iyo noolaha ku dul nool ee kala duwan, geesta kale waxa ay farta ku fiiqeen goobaha u baahan in sigaara loo ilaaliyo ee kuyaala Somaliland.

Wasiirka wasaaradda degaanka iyo isbeddelka cimilada Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa sheegtay in wakhtigan loo baahan yahay in xooga la isugu geeyo badbaadinta degaanka iyo waxkasta oo noolaha noloshiisa qayb ka ah.

Waxaaney tidhi. โ€œAdduunyadii waxa ay isugu timid waar maxaynu ilaashana, nooleynu nahay ee maxaynu ilaashana, nooluhu muxu yahay, waa waxa ku nool adduunka korkiisa, wixiina waxba ku dhacay, waxaasi oo ah mid aynu innagu sababnay, warshado ayaynu soo saarnay, maraakiib ayaynu sameynay, badda ayaynu jiidhnay, waxkasta oo wax inoo fududeynaya waynu soo saarnay, dhirtii waxba kumaynaan celin, biyihiii waxba kumaynaan celin, baddii waxba kumaynaan celin, bannaankii waxba kumaynaan celin, marka waxa mihiim ah in aynu xil iska saarno ilaalinta degaankaโ€.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com