Waxay shacbiga Somaliland wax ku kala dooranayaan yaa qaranimada Somaliland lagu aaminayaa,โ€.Wasiir Buuni

Hargeysa( Dawan):-Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurka Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa sheegay in shacabka Somaliland doorashada Madaxtooyadda ay ku kala dooran doonaan cidda lagu aaminayo qaranimada.

Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arimaha dastuurka Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa intasi ku daray in codka shacabka aanu oolin xafladaha.

Cabdinaasir Buuni oo Arimahaa ka hadlayayna.Waxa uu yidhiโ€Doorashadda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ka dhacaysa dalka ee qorshaysan waxa ku tartamaya saddex xisbi qaran,waxayna shacbiga Somaliland ku kala dooranayaan taariikh ku salaysan. yaa qaranimada Somaliland lagu aaminayaa.waxaanan soo bandhigaynaa Barnaamij siyaasadeed ee codka shacabku ma yaalo xafladaha ama goobaha hablaha lagu bixiyo,โ€.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com