Wasaaradda Caafimaadka JSL, oo Dawooyin kala Wareegtay Hayโ€™adda UNICEF

Hargaysa (Dawan) Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa maanta daawooyin iyo caafimaad kala wareegay hay,adda UNICEF oo Wasaaradda kala shaqaysa arrimo badan oo dhanka caafimaadka ah, daawooyinkan iyo agabkan caafimaad ayaa loogu talo galay, ka hortaga iyo xakamaynta xanuunka shuban biyoodka oo lagu arkay qaybo ka mid ah gobolada dalka.

Munaasibada lagula kala wareegayay daawooyinkan iyo agabkan caafimaad ayaa waxaa goobjoog ahaa, Agaasimaha waaxda caafimaadka guud, agaasimaha qaybta gurmadka degdega ah ee Wasaaradda, Madaxa kaydka daawooyinka iyo agabka caafimaadka ee Wasaaradda iyo masuuliyiin ka socotay hay,adda UNICEF.

Ugu horrayn waxaa halkaa ka hadlay oo ka warbixiyay daawooyinkan iyo agabkan caafimaad ee Wasaaradda lagu soo wareejiyay agaasimaha waaxda caafimaadka guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mahdi Daahir Bahdoon, isagoo sheegay in agabkan iyo daawooyinkani ku filansaan doonaan bukaano gaadhaya 82kun oo qof.

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay masuul ku hadlayay afka hay,adda UNICEF oo daawooyinkan soo gaadhsiisay wasaaradda, isagoo dhankiisa xusay, in ka Hayโ€™add ahaan ay ka go,antahay in ay sii joogteeyaan wada shaqaynta dhaw ee ay Wasaaradda la leeyihiin, agabkan iyo daawooyinkanina aanay ahayn kuwii u horeeyey sidoo kalana aanay noqon doonin kuwii u dambeeyay.

Ugu dambayntii agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye oo si rasmi ah ugala wareegay daawooyinkan iyo agabkan caafimaad, Hayโ€™adaha UNICEF, sheekeeyey muhiimada ay daawooyinkani u leeyihiin dadaaladda ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ugu jirto, sidii loo xakamayn lahaa xaalada shuban biyoodka ah ee kasoo cusboonaatay qaybo ka mid ah gobolada dalka.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com