Xeerarka Baarlamaanku Ansixiyo Waxa Horistaagi Kara Guurtida Ama Madaxweynaha. W/Q: Cali Cabdi Coomay

  • Xeer kasta oo Baarlamaanku ansixiyo oo ku saabsan lacag golaha Guurtida ma maro ee wuxuu toos ugu gudbaa madaxweynaha. Aakhirkana saxeexa madaxweynaha ayuu dhaqangal ku noqdaa.
  • Madaxweynuhuu wuxuu eegaa wixii danta dalka ugu jirta, haddii uu gef ku yahay gobol ama degmo khaanadda miiska ayuu dhigaa oo ma saxeexo, waayo ummadda ayuu iska horkeenayaa. Sidaasi darteed wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo xeer Lambar 23, wuxuu khilaaf iyo buuq ka abuurayaa gobollada bariga iyo kuwa galbeedka.
  • Xeerarka kale ee Baarlamaanku ansixiyo dhammaantood marka laga reebo kuwa aan miisaaniyad ku saabsanayn waxa ay maraan Guurtida, marka ay ansixiyaana waxa ay u gudubaa madaxweynaha oo saxeexa si uu dhaqangal u noqodo.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com