Bandhig Buug Mise Bandhig Baadhi? W/Q: Cali Cabdi Coomay

Dhawr arrimood ayaa laga baran karaan noocii inagu cusbaa ee loo soo bandhigay buugga โ€˜Wehel Jacaylโ€™.

= Suuq geyn weyn ayaa ku jirta in buugaag jacaylka ka hadlayo la qoro. Waayo qoraa Sumcadda oo buugiisii labaad ee jacayl ka hadlaya qoray, wuxuu ku tallaabsaday inuu ka sameeyo dhaqaalo buuran oo aan hore loogu arag nooca buugta jacaylka.

= Dhinaca kale wuxuu meel kaga dhacay dadeelkii dadka akhriska loogu barayey oo si bilaash ah bandhigyada buugaaga dadku ay uga soo qaybgeli jireen. Wuxuu soo kordhiyey culays qoraalka ay dad badani kaga yaaci karaan.

= Waa xariif daraasad badan ku sameeyey sida lacagta loo abuuro. Waxaad ka garan kartaa siduu isu dhexgeliyey lacagtii tikadhada ka soo gashay inuu ku mehersado iyo inuu xaflad aroos bandhiga ka dhexsameeyo.

= Buugu wuxuu dood ka dhex abuuray lammaaneyaashii oo dumarkii ayaa ragga qaarkood khasab kaga dhigay inuu bandhiga buugga isu raacaan, waanay dhacday.

= Wuxuu jideeyey in qoraa kasta oo JACAYLKU ku weyn yahay noocan oo kale uu buugiisa u soo bandhigi karo.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com