Xidhiidh-sanaanta daryeelka caafimaadka (Continuity of care) waa aragti ku salaysan in dhamaan adeegyada caafimaad ee bulshada loo fidinayaa laga dhigo taxane wada socda. Xogta ku saabsan caafimaadka qofka laga bilaabo marka uu dhasho ilaa marka uu god-delaayo waa inay ahaataa midd urursan oo la heli karo marka loo baahdo. Xidhiidh-sanaanta noocan ah waxay leedahay saddex rukun oo kala maarmin.
- Xidhiidh-sanaanta xogta caafimaadka(Informational continuity): dhamaan daryeelka iyo daawaynta qofku helayay marxaladihii kala danbeeyay ee noloshiisu waa in ay kayd-sanaataa, isla markaana fududahay in dib loogu noqdo marka loo baahdo. Waxa kale oo muhiim ah in dhakhtarku xog kahayo wax yaalaha uu bukaanku doorbido, qiyamka diineed iyo dhaqan ee uu aaminsan yahay iyo awoodiisa go’aan qaadasho.
- Xidhiidh-sanaanta maamulka caafimaadka qofka (Management continuity): marka la helo bukaan, dhakhtar iyo maamul caafimaad oo wadaagaya qorshaynta daryeelka qofka, isla markaana ay si fiican u cadday jihada ka mas’uulka ah daba-galka iyo joogtaynta daryeelka Bukaanka, markaas waxa abuurmaya dareen kalsooniyeed. Waxa si sugan loo Saadaalin karaa mustaqbalka caafimaadka qofka. Sidoo kale waxa laga hortegi kara xidhiidh-furan iyo habqan ku dhaca maamulka daryeelka caafimaadka bulshada.
- Xidhiidh-sanaanta wada shaqaynta Bukaanka iyo Dhakhtarka (Relationship continuity): wada dhaqanka bukaanka iyo dhakhtarka waxa ka dhasha Isfahan iyo is –afgarad dadban oo u baahan muddo dheer inuu kobco. Waa in Dhakhtarku fahmo duruufaha caafimaad ee qofka oo dhan. Waa in uu sifiican ula socdo dhamaan daawayntii (dawooyin,qaliino,iyo qalabka dib u habaynta nolosha loo adeegsado) hore uu bukaanku qaatay.Isfahankaasi wuxuu abuurayaa kalsooni iyo is aaminaad dhexmartay qofka buka iyo dhakhtarkiisa. Taasi waxay fududaysa in bukaanku u dhego nuglaado talooyinka caafimaad ee dhakhtarka.
Hadaba, iyadoo saddexdaa rukun niyada lagu hayo, lana rabo in la xaqiijiyo ayaa waxa la hindisay hirgelinta adeega Dhakhtarka-Qoyska (Family Doctor) oo salka ku haya in qofkasta oo bulshada ka midd ah uu helo daryeel caafimaad oo xidhiidhsan, tayadiisu sarrayso, qiimihiisu hooseeyo, si siman loo wada heli karo, isla markaana la isku halayn karo.
Adeega ay bixinayaan Dhakhtarada Qoysku waxa udub dhexaad u ah maslaxada Bukaanka. Mas’uuliyadoodu waa in ay xili hore sahamiyaan dhibaatada caafimaad ee qofka la soo dersi karta, kana shaqeeyaan ka hor tageeda.
Waxay isku xidhaan adeegyada caafimad ee aasaasiga ah iyo takhasusaadka gaarka ah ee u baahan farsamada iyo khibrada balaadhan. Dhakhtarada Qoysku waa laanta ugu muhiimsan ee dhismaha nidaamka caafimaadka ee dalka. La’aantood way adagtahay in uu dhismo nidaam caafimaad oo taabo gal ah.
Tababarka iyo tayaynta Dhakhtarada qoysku waxay u baahan tahay awood dhaqaale iyo midd maamul oo ka duwan laamaha kale ee caafimaadka. Waa in lagu tababaro baadhitaanka iyo fahmida tiro aad u balaadhan oo xanuuno ah.
Waa in dhakhtarka qoysku fahmi karaa astaama, guud ahaan, dhammaan xannuunada aasaasiga ah ee bulshada, si gaar ahna u yaqaan Xannuunada degel-joogta ah ee deegaankiisa ku badan.
Sidoo kale Dhakhtarka qoysku waa inuu faham dheeraad ah u leeyahay kala duwanaanshaha fikirka, nafsiyada iyo dabeecadaha dadka. Waana in lagu tababaro fanka la dhaqanka bulshadaas kala duwan; si ixtiraam, tixgelin iyo dulqaad ku dheehan yahay.
Dhakhtarka Qoyska waa in lagu tababaro Anshaxa iyo dhaqanka suubban ee bulshadu aaminsantahay, dhowrida khusuusiyada qofka, fayo-qabka jidhka iyo maskaxda ee qofka Bukaanka ah.
Intaas waxa lagu xoojin karaa xeerkii lagula xisaabtami lahaa tirada yar ee laga yaabo inay ka tallaabsadaan anshaxa iyo haybada waajibka shaqo ee ay hayaan. Waa in ay jirtaa dariiq cad oo loo maro la xisaabtanka howl-wadeenada caafimaad ee baal mara akhlaaqda mujtama iyo sharciga dalka.
Cilmi-baadhis lagu faafiyay War-geeska caafimaadka ee British Medical Journal (BMJ) sanadkan 2018-ka ayaa si xeel-dheer u miisaamaysa ahmiyada Xidhiidh-sanaanta daryeelka caafimaad iyo Dhakhtarka qoysku u leeyihiin bukaanka marka la eegayo muddada dheer. Xogta loo adeegsaday cilmi baadhistan waxa laga soo ururiyay sagaal wadan oo aad ugu kala duwan nidaamkooda caafimaad, dhaqanka bulshada, iyo awoodooha dhaqaale. Xogta waxa la ururiyay 1996-2017.
Natiijada kasoo baxday Cilmi-baadhistani waxay kusoo biyo shubanaysaa in Xidhiidh-sanaanta Daryeelka Caafimaaku leedahay faa’iidooyin Qofka iyo Nidaamka caafimaadka dalkaba:
- Xidhiidh-sannaanta daryeelka cafimaadku waxay yaraysaa bukaan-jiifka cusbitalada (Hospital admissions)
- Waxay yaraysaa soo degdegida khatarta mudada dheer ee xannuunada raaga ( less complications)
- Waxay kordhisaa in Bukaanku u hogaansamo oo raaco talada dhakhtarka ( compliance)
- Waxay yaraysa faafida cudurada lakala qaado.
- Xidhiidh-sannaanta daryeelka caafimaadku waxay hoos u jebisaa qiimaha adeega caafimaad, waxaanay badbaadisaa hanti badan oo lumi lahayd, taasi oo loo adeegsan karo horu marin ta nidaamka caafimaadka.
kuwaasi waxay ahaayeen tusaale-yaal kooban oo ku saabsan faa’iidooyinka Xidhiidh-sannaanta daryeelka caafimaadka. Si adeegaa caafimaad ee dhamayska tiran loo helo waa in la soo saaro dhakhtar-qoys oo tayadiisa aqooneed iyo tababarba sarayso, isla markana daryeel fiican oo dhaqaale haysta.
Waa in dhakhtarku helo daryeelka iyo dayac-tirka uu muddan yahay hadii la rabo inuu daryeel caafimaad oo wanaagsan bulshada siiyo.
Marka arimahan aynu soo xusnay lahelo ayuunbuu hirgeli karaa nidaam daryeel caafimaad oo lagu tannaado, la isku halayn karo. Dadkana ka saara habqanka iyo dayacnaanta caafimaad darro ee baahsan.