Yaa Heshiiyay, Yaase, Loo Heshiiyay? (WQ: Caynaan Faarax Caynaan)

Marka ay heshiis gadhaan qayb bulshada ka midi, ee heshiiskaa aan lagu salayn maslaxada guud ee dalka iyo dadka, waa arin u muuqaal eeg yeel anagu sida aan jecelnahay, mana aha niddaamka dawladnimadu sidaa, ee waa u ka duwanyahay kana baxaad waynyahay.

 

Doorashooyinku, waa hannaan bulshadu ku go’aamiso ama ku doorato cida iyaga u matali lahayd niddaamka dawladnimo.

Doorashooyinku, waxa ay ahayeen hannaan ka mida mataladaha dimuquradiyada casriga ah tan iyo intii la bilaabay qarnigii 17aad.

 

Doorashooyinku, waxa ay siiyaan cashiro muwaadiniintu ay ku xaqiijiyaan masuuliyadooda iyo rabitaanka in la helo dawlad dimuquradiya oo u adeegta rabitaanka shacabka oo ah in ay keenaan cida ay ogolyihiin, diidana cida aanay rabin.

 

Waxa ay sharciyad siiyaan cida matalaysa bulshada iyo awoodda dowladnimo.

Haddaba, haddii la waayo ama aanay jirin doorasho waxa ay la mid tahay in aanu jirin tartan loo galo ciddii bulshada matali lahayd iyo sharciyada dawladnimo.

 

Marka aynu ka hadlayno doorasho, waa nidaam ama hannaan bulsho ay ku soo doorato cida iyaga nidaamkaa ku matalaysa, oo leh wakhti xilliyeed muddaysan si loo helo cid badasha kooxahaa hore ee mudo xiloodkoodu dhammaaday.

 

Waana heshiis bulsho madamoo cidda ladooranayo iyo kuwa dooranayaa labaduba ay bulshada ka midyihiin, marka aynu eegno, Somaliland oo ay doorasho golaha wakiiladu ugu danbaysay in la doorto sannadkii 2005, oo hadda laga joogo mudo ku simman ku dhawaad 15 sanno, oo markaa lafteeda uu jiray saluug dhanka tirada golaha wakiillada ahi, miyaa la waayay xal in loo helo si nidaamka Somaliland u noqdo mid ay bulshadu wada leedahay oo leh garbo-simman?

 

Haddii arimaha doorashooyinka oo farsamo ahaan sahlanaa ay qaadatay go’aan ka gaadhidoodu ilaa xili, maxa keenay in arimo siyaasadeed iyo masiir dhan oo umaddeed mudo kooban go’aan looga gaadho iyadoon laga qayb galin isla kuwaas arimahooda go’aanka laga gaadhay?

 

Waana arrin aan haboonayn in iyadoo saluug iyo tabasho ka jirto nidaamkii dadwaynuhu wada dhisteen, si aan ka fiirsi lahayn looyidhaa waanu heshiinay, oo dhag jalaq u siin mayno ummad dhan oo kula leh, nidaamkaa aad kali ahaansho ugu tagri falayso, ee aad go’aanka kali ahaan ku gaadheen, balse kamaynaad fikirin ama ismaynaad waydiin in ay jiraan cid kale oo dalka idinla leh, waase, hubaal in ay dadkaasi jiraan oo la’aantood anay dowladnimadu jirayn.

Haddii se nidaamka doorasho ee golaha wakiillada lagu saleeyay lixdankii, maxaa diidaya in aynu ku qaybsano dhammaan nidaamka dawlada ee kala ah, fulinta, xeer-ilaalinta, oo ah labada tiir ee hadhay dawladnimada, marka hada golaha ay tiradiisu tahay 82 xubnood oo ku dhawaad in kabadan 60, xubnood isku beelyihiin sidee bay u matali karaan cidda aan iyaga hayn hayb ahaan, ilayn goluhu waa meesha arrina laga ogolaado midna laga diido’e?

 

Marka laga hadlayo doorshada golaha wakiillada waa in lahelo tiro keeni karta soo jeedin ama diidid, si ay u suuro gasho in ay jirto wada lahaanshiyo dawladnimo iyo isku dheeli-tir ah dhanka beelaha wada daga Somaliland, si ay u suuro gasho nidaam dawladeed oo ku dhisan wadaagid.

 

Maxa se, diidaya haddii caddaalad darro looga yimiday Somalia in caddaalad darro Somalilandna looga tago oo, cid walba iskeed isku maamusho, haddii la waayay nidaam bulshada dhex u ah?

 

Dowladnimadu, waa niddaam ay wadagaan bulsho ama ummad meel ku wada nool, oo deegaan ku ah inta niddaamkaa maamulkiisu gaadho, ee xuduud u ah oo ku dhisan sinnaan iyo caddaalad.

 

Waxana tiirar u ah xeerar iyo qawaaniin ay tahay in ay dhammaan ilaaliyaan inta talinaysa iyo inta loo talinayaba.

 

Wana niddaam u taagan, wax wada lahaansho, oo ay tahay in la wadaago, hab maamulkiisa iyo khayraadkiisa si loo helo sinnaashiyo iyo caddalad.

 

Muwaadiniintisuna, waa in ay yihiin kuwo isku arka in aan ciddi ka lahayn, dawladnimada iyo manfaceeda labadaba, waana in ay jirtaa is aaminaad ah in dhammaan ay bulshadu dareentaa ahaan shiyaha muwaadiniin aan kala lahayn dabaqado marka laga hadlayo xeerarka iyo qawaaniinta.

 

Hadaba, haddii la waayo intaa aynu kor ku soo sheegnay oo ay talada dalka isku koobaan tiro yar oo isku dhinac ahi, waa hubaal in ay yimmaadaan wada lahaanshiyo aan dheeli-tirnayn, lumida is aaminka bulshada iyo muwadiniinta oo kala yeesha dabaqado, intaas oo dhanna waxa asal u ah ku dhaqanka qaraabo-hiilka, qof jeclaysiga iyo eexda ku dhisan kana soo dhawee kaana fogee.

 

Kaliya arintani, waxa ay muqaal guud u tahay inta u dhaxaysa caddalada iyo caddalad-darada.

 

Maynaan saadalin karayn in shay kastaa si dhakhso ah isku badalaayay, laakiin waa in aynu aq-balin wixii dhacay ee aan si habboon looga baarandagin, una diyaar garawnaa sidii loo sixi laha.

 

Afar shay uun bana dib u haya niddaamkeena dawladnimo oo kala ah: musuq-maasuq, waayo aragnimo la’aan ah xaga hogaanka, ka maqnashaha ficilada dimuquraadiyada, afkaartii iyo raadkii u inagaga tagay gamaystuhu.

 

Mar haddii anay jirin hal-beeg toggan oo lagu qiimeeyo dawladnimada iyo qorshe hiigsi ah, si loogaadho waxa aynu u baahanahay oo ah niddaam dawladeed oo umadu manfaciisa wadaleedahay, oo horseeda horumarka bulshada dhankastoo wanaag ah, haddiise aan la helin niddaamka aan soo sheegay waa hubaal in aynu riyo maal-meed ku jirno iyo jillida masrixiyad dhawaan dadwaynuhu ka daali doono.

 

Qore: Caynaan Faarax Caynaan.

Hargaysa, Somaliland.