Doorashooyinka 2020 ee Somaliland: Maxaa inooga dan ah? (WQ: Cabdicasiis Ibraahin Ciise “Daacad”)

Doorashooyinka 2020 ee Somaliland: Maxaa inooga dan ah?

 

Saaka lix waydiimood ayaan halkan idin kula wadaagay oo aan u arkaayey waydiimaha u habboon ee inagu hagaya inaan wax ka fahanno doorashooyinka goleyaasha Baarlamanka iyo Deegaanka ee aynu rejaynayno inay qabsoomaan.

 

Ugu horreyn waxa muhim ah inaan isla fahanno: waa maxay doorasho? Ama maxaa aynu wax u doorannaa?

 

Sida sugan, waddamada ilbaxnimada iyo horumarka ku tallaabsaday waxa ay doorashada ku macneeyaan in doorashadu tahay:

 

1. Habka u wanaagsan ee dadku ay ku soo xulanayaan hoggaan suubban oo u qalma inuu hirgeliyo higsigooda iyo himilada waxqabsi ee lagu hormarinayo dalka.

 

2. Nidaam abuura in la xusho dad aqoon, karti iyo dedaal lagu hubo, isla markaana lala xisaabtami doono halka iyo hannaanka ay wax u maamuli rabaan.

 

3. Furaha dimuqraadiyadda, oo la dareemo in dadku ay doortaan dawlad metasha, dadka hagayaana iyaga ka yimaaddaan, isla iyagana u xisaab celiyaan.

 

Casrigii hore, waxa la sheegaa in dawladnimadu laba hab uun ahaan jirtey: Dawlad boqortooyo ah iyo dawlad kelitalis ah. Kuwaas oo aan isku dheellitiri jirin inay ka falceliyaan baahiyaha bulshada ay maamulayaan. Danaha u badan ee ay ka shaqayn jireen wuxu ahaa in dad khaas ah ay u adeegaan dawladahaasi, dheefta iyo nuxurkana cid gaar ahi manaafacaadsato. Si taas looga baxo, dawladnimaduna aanay qoys ama qofaf ugu adeegin ayaa maanka cusub ee bulshooyinka hormaray ay hindiseen in la abuuro awood ah in dadku ay doortaan dad iyaga metala, awoodda iyo aqoonta hagaysaana ay dhankooda ka timaaddo, si looga baxo dawlad khaas ah oo ay dad khaas ahina ay hagayaan.

 

Waxa wax loo doortaa in la helo dad aqoon ahaan, dedaal ahaan iyo fikir ahaan hagi kara bulshada oo doojin kara barwaaqo iyo meel hodan ah. Doorashada waxaa lagaga baxaa dib dhaca iyo in dad koox ah oo dano gaara lihi ay siyaasadda iyo hoggaanka dawladda majaraha u hayaan, oo danahoodu ka hormarsantey ta dadweynaha. Waxa wax loo doortaa si looga fogaado eexda, qabyaaladda, qolo qolada, nin jeclaysiga iyo aqoondarrada. Waxa wax loo doortaa in si caddaalad ah loo maalgashado dawladnimada, si caddaalad ah loo qaybsado dheefta dawladnimada, si isku mid ah loo dareemo lahaanshiyaha dawladda, iwm.

 

Haddaba, innagu maxaa aynu wax u doorannaa?

 

La soco.. fikirkaaga inaad nala wadaagtaana waa muhim.

 

Qalinkii: Cabdicasiis Ibraahin Ciise (Daacad)

 

Qalin – Dhuux

#Doorashada2020

#SomalilandElections2020