Taiwan iyo Sidii Xubinimada Qaramada Midoobey looga saaray (WQ: Suleyman Yusuf dhakhtar)

Taiwan iyo Sidii  Xubinimada Qaramada Midoobey looga saaray.

 

Cagaarku wuxuu u codeeyay in laga saaro Qaramada Midoobey.

 

Casaankuna wuu diiday  in laga saaro.

 

Buluuguna wuu ka aamusay.

 

Republic of China (ROC). Jamhuuriyadda Shiinaha  oo ku caan baxday “Taiwan” waxay ka mid ahayd dhulweynihii Shiinaha, lakiin markii dagaalkii sokeeye ee ummadda Shiinaha dhex maray  lagaga adkaaday Xisbigii Waddaniyiinta Shiinaha (Kuomintang of China) ee tallladda waddanka hayey 1949-kii, ayaa xisbigaasi wuxuu u cararay Jasiirada Taiwan oo dhulweynaha Shiinaha ka tirsaneyd, waxayna halkaas kaga dhawaaqeen weli inay iyagu dalka iyo dadka Shiinaha metelayaan. Caalamkuna sidaas ayuu ku Aqoonsanaa. Dhinaca kalena Xisbigii Shuuciga Shiinaha ( Communist Party of China) ee dagaalka ku adkaadey ayaa isna ku dhawaaqay 01.Oct.1949, Jamhuuriyada Dadka ee Shiinaha (People’s Republic of China). Waxayna sheegeen maamulka keliya ee Shacabka Shiinaha meteli karaa inuu iyaga yahay. Lakiin Caalamku taas muu garawsan ee waxay Dawladda Resmiga ah ee Shiinaha u Ictiraafsanaayeen Xisbigiii Waddaniyiinta Shiinaha ee Taiwan usoo cararay markii dagaalka lagaga adkaadey.

 

Laga bilaabo markii shiinuhu labadaas qaybood u qaybsamay oo ahayd 1949-kii ilaa 1971-kii, dawladda Sharciga ah ee ummada Shiinaha meteleysey waxay ahayd  Republic of China (ROC) oo ku caan baxday Taiwan. Mudadaas 22 sanno ah, waxaa kursiga Qaramada Midoobey ku fadhiday Taiwan, welibana waxay ahayd xubin ka tirsan shanta waddan ee Diidmada qayaxan ee Veto-da leh caalamkuna wuxuu iska dhega tiray xaqa shacab weynaha shiinaha ee halka bilyan ee qof ka badnaa.

 

Markii se awoodii Shiinuhu si weyn kor ugu soo kacday, waddamo baddan oo dunida saddexaadana taageero balaadhan ka helay iyo weliba Midowgii Soofiyeeti, ayuu Caalamkuna indhaha ka qarsan kari waayay. Waxaana dhacday in October 25, 1971-kii  cod loo qaado cida xaqa u leh kursiga qaramada midoobey ee Shiinaha waxaana intii badneyd u codeysey in Jamhuuriyada dadka ee shiinuhu (People’s Republic of China) ay xaq u leedahay inay kursigaas ku fadhiisato. Codeyntiina waxay u dhacday 76 ogolaatay , 35 diiday, 17 ka aamustay. Sidaas ayaana Taiwan lagaga saaray Qaramada Midoobey, lakiin ilaa iminka waxaa ictiraafsan 21 waddan oo caalamka ku yaala  una aqoonsan inay tahay dawladda resmiga ah ee shacabka Shiinaha meteleysa.

 

laga bilaabo   1971-kii  Taiwan  xubin kamay ahayn Qaramada Midoobey.

Suleyman Yusufdhakhtar