“Aan coddayno waa aan colowno” X. Cabdi Waraabe (aun), Borama 1993
……………………
Doorashadda lagu degdego colaadaha kadib lama mahaddiyo ilaa dadku is-aamino oo dhisanto kalsoonidda ay isku qabbaan. Doorashaddu waxay keentaa nin guulaystay iyo mid laga guulaystay taas oo sababi karto in dib loogu laabto colaadaha.
Isku-tanaasulka, is-afgarad iyo dulqaad ayey Somaliland ku soo caano maashay 10-kii koowaad ee 30-ka sanno ee ay jirtay (1991-2001). Xiligaas oo nabadda iyo qaranimada hoosta laga soo dhisayintaan doorasho la isku qaadin. Waxa gebi ahaanba la diiday in shisheeye u yeediyo Somaliland jadwal go’an, qaab-dawladeed gaara iyo go’aano geed sare waab ah. Geedigii dimuquraadiyadaynta waxaa la raray 10kii 2aad (2001-2010) walow uu dhaabbaddo culus la kulmay bilowga 10-kii 3aad (2010-2010).
Walaalaha Soomaaliya casharro badan baa ugu duugan Somaliland. Qaar waad qaadateen casharradaa sida aqalka “Guurtidda” oo aad waxtarkeeda wada aragateen dhawaan markii uu Gud. Axmed Cabdi Xaashi soo saaray waraaqda uu ka dhashay shirka Dhuusamareeb. Inta kalena u dhug yeesha.