Yaa Ugu Taajirsan Dunida Soomaaliyeed? (WQ: Mohammed Abdi Hassan Diridhaba)

Qiimaynta shakhsiyaddaha ugu taajirsan dunida afka Soomaaliga ku hadasha ayaa sannadkan waxaa kaalinta 1aad gallay oo noqday qofka ugu taajirsan ama ladan shanta Soomaaliyeed Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ah guddoomiyaha shariikadaha Hormuud Telecom, Salama Bank iyo Taaj Money Transfer, hantida Axmed Nuur Cali Jimcaale ayaa lagu qiyaasay 1.9 bilyan oo dollarka maraykanka ah.

Wuxuuna kaalinta 1aad kala wareegay Maxamed Siciid Ducaale Dahabshiil, oo sannadkii hore kaalinta 1aad haystay. Kor u kaca ku yimid hantida Axmed Nuur Cali Jimcaale ayaa keentay ka dib markii dawladda maraykanku ay si toos ah u fasaxday hantidii shariikaddii Barakaat ee Axmed Nuur Jimcaale ee la xayiray sannadkii 2001 dii.
Kaalinta 2aad waxaa soo gallay Maxamed Siciid Ducaale Dahabshiil oo ah guddoomiyaha shariikadda Dahabshiil Groups, wuxuu haysta hanti dhan 1.6 bilyan oo dollarka maraykanka ah.

Kaalinta 3aad ayaa waxaa soo gallay Cadirisaaq Iddo, guddoomiyaha shariikaddaha Nationlink ee dalka Soomaaliya oo haysta hanti lagu qiyaasay 850 malyuun oo dollarka maraykanka ah, wuxuu sidoo kale ganacsiyo ku leeyahay dalalka Kenya, Uganda iyo Tanzania.

Halka uu kaalinta 4aad soo gallay Dr. Ismaaciil Axmed oo ah guddoomiyaha iyo mulkiilaha shariikadda Worldremit oo haysta lacag dhan 650 malyuun oo dollarka maraykanka ah.
Aamine Mooge oo ah ganacsato Soomaaliyad ah balse haysata dhalashada dalka kenya oo ah guddoomiyaha shariikadaha Kingstone Enterprises ayaa kaalinta 5aad soo gashay waxay haysata hanti dhan 550 malyuun oo dollarka maraykanka ah.

1. Axmed Nuur Cali Jimcaale $1.9 billion USD
2. Maxamed Siciid Ducaale $1.6 billion USD
3. Cabdirisaaq Iddo $850 million USD
4. Dr. Ismaaciil Axmed. $650 million USD
5. Aamin Mooge Xirsi. $550 million USD