Booliska dalka Biljamka ayaa baadi goobaya nin loo doon-doonayo qaraxyadii Talaadadii ka dhacay magaalada Brussels ee xarunta dalka Biljimka.
Ninkaasi ayaa sawirkiisa waxa lagu arkay kaameerooyinka ammaanka ee ku rakibnaa garoonka caalamaiga ah ee magaaladaasi ee ay qaraxyada ka dhaceen.
Saraakiisha dalkaasi Biljimka ayaa sheegaya in labo nin oo kale oo ninkaasi ku wehliyay weerarkii garoonka ay is qarxiyen.
Qaraxyadii ka dhacay garoonka diyaaradaha iyo maxaddada tareenka ee dhulka hoostiisa ayaa waxaa ku dhintay 34 qof halka 250 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Booliska ayaa ugu baaqay dadkii qaraxyadaasi ku duubay moobeeladooda iyo kaameerooyinka in ay ka caawiyaan baadhitaanka.
Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay guddaha magaalada, waxaana booliska ay gacanta ku soo dhigeen kiimiko, waxyaabaha qarxa iyo calanka kooxda khilaafada islaamka kaddib markii ay hawlgal ka fuliyeen xaafad ka mid ah Brussels.
Weeraradani ayaa waxa sheegtay kooxda Khilaafada Islaamka, waxa ayna ku soo beegmayaan afar maalmood kaddib markii Brussels lagu qabtay Saalax Cabdisalaam oo baarayaasha dalkaasi ay sheegayaan in uu ku lug lahaa weerarkii sanadkii hore ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.