Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa maanta damiyay dab qabsaday Guri Jiingada oo ku yaalla Degmada 31 May ee Magaalada Hargeysa

Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa maanta damiyay dab qabsaday Guri Jiingada oo ku yaalla Degmada 31 May ee Magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa maanta damiyay dab qabsaday Guri Jiingada oo ku yaalla Degmada 31 May ee magaalada Hargeysa.

Dabkan ayay ciidanku ku koobeen gurigii uu ka bilaabmay, halkaas oo ay guud ahaanba ka xakameeyeen guryihii ka ag dhawaa goobtaas si aanay khasaare intaa ka badani dabku u geysan.

Sababta dabkan dhalisay ayaan ilaa hadda la garanayan waxaana waxaana gacanta ku haya laamaha amaanka.

 

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska Somaliland

Hargeysa/Somaliland

Somalilandfire@gmail.com

990- Gurmadka Deg-dega ah