Waxa la yidhi:
NuurJiir oo Calidhan walaalkii ahaa, haddana gabyaa ahaa, ayey muraayaddiba qac tidhi, markii lagu yidhi walaalkaa waa nin badhkii, Mataan Ciideedna saddex nin ayuu la qiimo ahaa. Markaas ayuu golaha dhexdiisii, ka maahmaahay. Wuxu yidhi:
“Mid IIaahay baa diiday. midna reer Dalal ayaa diiday. Midna aniga ayaa diiday:
1- Mid ilaahay baa diidayoo, in uu Calidhan soo nooleeyo, waa uu diiday
2- midna reer Dalal ayaa diidayoo In ay magtii Cali bixiyaan waa ay diideen
3- Midna anigaa diiday oo in aan Calidhan ka qaato mag ka yar tii Mataan Ciideed laga bixiyey, waan diiday”
Sidaa ayuu ku colaad qaatay Nuurjiir. Wixii dagaal loogu baahnaa, ayuu diyaarintiisa u dhaqaaqay.
– Carbintii iyo qalabayntii faraskiisa
– Soofayntii billaawaha iyo toorriyaha wax lagu dooxo
– Labadii waran ee dagaalyahankii hore isku hubayn jireen iyo
– Gaashaankii la isaga dhigi jiray tumaatida cadowga.
Maalin ayuu faraskiisii oo uu ku tababaranayo la hadlay. Waxa uu gabay ugu sheegay, waxa uu la maagganyahay. Wuxu yidhi:
: Haddaan Caynaboow col iyo guluf, caato kugu raagin
Waxaad coobbaweyntahay haddaanad, caday ka dhuubnaanin Haddaan maydku cagahaaga qarin, sida cagaar seexday. Haddaan cududdahoodu isku jabin, cuurka ba Xawaadle
Cad la quuto mooyee haddaan, caano laga dhaaran
Sida caawa loo qabo haddaan, cali ka weynaanin
Haddii nabadda ceeelkaan ku rido, cidi ka soo saarto
Caallaan ahay oo callay dhalay, haddaan dunidu ciirciirin.”
Saw ma cadda sida uu u colaad qaatay?,
Laakiin qoladii uu godobta ka tirsanayaa maba garowsana. Dhinac marka la eego, sidaas ayey arrini ka ahayd oo waxa la weynaa inankooda. Nin Mataan Ciideed la qoys ahaa, odayga reerkana ahaa oo Cabdi la odhan jiray, ayaa markii la waydiiyey magtii Calidhan, is xanaajiyey oo sidii qof yaabban u yidhi:
“Ma iyada oo Mataan Ciideed la diley ayaa weliba mag nala waydiinayaa”!!!!!!!
Dhinaca kalena faro ayey is taawiyeen oo wax badan iskagama ay tirinahayn hanjabaadda ilma-adeerradoodan godobta tirsanaya. Xaalkoodu wuxu shabbahayey is maroorintii uu Aw Jaamac Gacanlow ku tilmaamay reer Wacayska Ciise Muuse oo uu ka yaabay sida uu qabku u luggoonayo. Waa markii uu lahaa:
“Maroodiga mas laayaana baa, maaga oo dila’e.
Miciyaa libaaxana halyey, waw mashxaradaaye.
Midh kabriidi meel lagu qabtuu, murux ka yeelaaye.
Mitid farayar midhihii bataa, kama macaashaane.
Mar hadday mashiinnadu qarxaan, mawdka loo simane.
Is maroorintaa reer Wacays, mahadin maayaane”.
Beeshii way colaad qaadatay. Intii samaha jeclaydna ma ay joojin waanwaantii iyo sulux raadintii. Laakiin belo aan boqollaal sano la illaawi doonin ayaa meesha ka salag lahayd.
Nuurjiir – Calidhan walaalkii- sida ay arrintu u taabatay, nin kale uma ay taaban. Mar kale ayuu gabay ku muusannaabay, isaga oo weliba naftiisa uun colaad u dhaarinaya. Wuxu yidhi:
“Tolla’ayeey ! toddoba jeer miyaan, xalayto soo toosay.
Turbigiyo xiddigihii miyaan, tiriyey oon eegay.
Tiiraanyo iyo ciil miyaan, tows la ladi waayey.
Sidii ido tigaad cunay, miyaan taaha ku caweeyey.
Ma tunkaa I buuxsamay sidii, toban jir awr-gaala.
Ma tallaabadaydaan haldhaa, orod wax tuugaynin.
Sidii laanka tawlka ah miyaan, tahan u dheeraaday.
Balaayadan i taaba leh miyaan, toosin kari waayey.
Tamartay miyey laba qabiil, taws dhex dhigi wayday.
Laba saanac ii tumay, miyaa tiirsan garabkayga. (waa laba waran)
Ma takoorinkiiba magligu, tabacyo ii yeelay.” ?
Halkaa marku marayo, ayuu ciil iyo cadho darteed sii wadi kari waayey gabaygii. Malaha cunihiba waa uu gu´i gaadhay. Waa uu hakiyey gabaygii si uu u dhammaystiro, marka uu soo aarsado.
Markan arrinta si fiican ayaa loogu baraarugay, laakiin Alle ma qaddarin, in halkaa lagu joojyo.
Ma xasuusataan Cabdigii ay Mataan Ciideed qoyska ahaayeen ee in magba laga bixiyo Calidhan ka xanaaqayey, ee dirqiga ku oggolaa 50 halaad?? Haa dheh deee…. Haa dhe dee— Waa kuwaa iska soo horbaxay Nuurjiir oo aynu diyaar garowgiisa soo tilmaannay, isaguna gabaygaa kore isku tilmaamay.
Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi raajicuun!
Finish! halkaas ayey igu dhammaatay odaygii Cabdi (Alle ha u naxariistu).
Dabadeed gabaygii uu hakiyey ee uu dhammayn kari waayey, ayuu sii waday oo ku dhammaystiray wixii Cabdi ku dhacay:-
“Ma cabdaa turaabka isku rogay, waa tabtaan rabaye.
Ma tumaatidii baan wadnaha, tahan wax dhaafsiiye.
Markii aan ku taagsaday, miyuu, talalay oo reemay.
Libaaxuba dhurwaa toban kunuu, tulud ka qaadaaye.
Ninkii farayaraan igu tuhmey, talo ka hoostaaye.
Wellee aniga waa lay tixgelin, teerinimadayda”.
Halkaas ayuu ka bilawday dagaal lagu if iyo aakhiraba seegey oo dad ehel dhow ahaa ay isku hoobteen. Maydkii ayaa sida cawska noqday, nabaddiina Ceel dheer ayey ku dhacday. In caano la maalo iyo in cunto la karsado, ayaa cabsi daraaddeed la tahli waayey. Dan baa tidhiye, waa la kala qaxay. Qolo dhinaca Doollo ayey u dhambuuqsadeen, halka qoladii kalena DOH iyo ka shishe ay nabad bideen.
……….. La socod Q 4aad …..