Garashadda iyo Damiirka Hogaamineed: Dirkii Karal! (WQ: Xamse Cabdiraxmaan Khayre)

Cisbitaalkaย Guud ee OKSAJIIN la’aanta ilmaha/sabbigu ugu dhintay wuxuu u muuqdaa aqalka looga taliyo JSL oo ah Madaxtooyada. Waan Ku xumaaday dhacdaddan iyo Kuwo hore oo la mid ah qoyskaasna murugadda waan la qabaa. Si gaara walaashay Khadra Halgan ayaan u tacsiyeynayaa.

Sidaas oo ay tahay lama yaabin waayo labaddii sanno ee xukuumadani jirtay waxaa cirka lagu shareeray W. Madaxtooyadda miisaaniyadeeda oo la kordhiyay wadar ahaan $48,066,275 milyan oo doolaar (oo aanu ku jirin mushaharka MW iyo KX) halka caafimaadka dalka oo dhan sanadkan 2020-ga $11 milyan ama 4.36% keliya looga qoondeeyay miisaaniyada.

Sidaa marka garasho iyo damiir hogaamineed yahay haddaan la yaabo tani inay dhacdo markaa qudhaydaa la yaab leh. Waa kii Abw. Qaasim (aun) lahaa “…Isma doorin gaalkaan diray iyo daarta kii galaye…..Misna laguma diirsadda’e waa dirkii Karal”

Waan Ka xishooday inta goor ee Madaxwaynuhu labaddaa sano sawir ku soo galay kawaanka dhimashada deriska la ah inaan idin xasuusiyo.

FG: Inamada iyo hablaha dhakhaatiirta iyo kalkaalisooyinka ah, hawl-wadeenada maamulka iyo shaqaalaha kale ee Cisbitaalka waa geesiyaal naftood huraayal ah oo mudan in la bogaaadiyo. Ceebta noocan ahna shaqo kuma laha iyagu. Waxaanay masuuliyad daraddani dusha u saaran tahay madaxtooyada, baarlamaanka iyo siyaasiyiinta qoondeeya miisaaniyada iyo mudnaanteeda.
No photo description available.Image may contain: possible text that says 'Khadra Halgan Isbitaalka guud ee Hargaysa hadii aanay oxygen la iska lu'goynayaa. Maanta duhurkii ayaannu yar sano jirta walaalkay dhalay aannu gaynay aaminaysaa ilmahaa yar oxygen baannu uga waynay cusbitaalka wayn oo waxa ay yidhaahdeen 4xabo ayaa yaala oo la idinma siinayee magaalada ka doonta. Markii dambe haantii oo madhan ayay $100 oo damaanad ah dhigeen Intii aannu ku maqnayn oxygentii kale ee bannaan doonay ayay yarayd naftu kasii baxday Inkastoo aan la oollin karin naf baxaysa hadana cusbitaalka guud ee caasimadda dayac baa yaala.'