Madaxweyne Talo! Qaybta 1aad. …W/Q:(Ibrahim Khadar)

Markii la doortay 2017 madaxweynaha xilka ka degaya Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa aan halkan uga soo gudbin jiray talo la gudboon oo aan u arkaayey in wax-ka-qabasho u baahan oo madaxweynayaashii ka horreeyey waxqabadkoodii ka hadhay. Waqtigaas oon shahaado heerka labaad ee dhanka shuruucda ka wadayJaamacad Itoobiya.

Talooyinkaas qaar badan wax waa laga qabtay, qaarna qabyey ahaayeen oo hadda wax ka qabashadoodu way taagan tahay.

Haddii dhanka sharcig iyo caddaaladda amma waxbarashada amma warbaahinta aan u yara janjeedhsamo mihnad baa i jiitadee ha la iga raalli ahaado.

1. Xukuumad Koobban oo Tayo leh

Marka xisbi guulaysto waxa uu wataa jamaahiir halgan siyaasi, maal iyo af ba la soo garab taagnaa, mid kastaana hunguri iyo damac ba ku jiro. Waxa kale oo meesha aan ka maqnayn dheelitirka iyo ka wada muuqashada hannaanka siyaasiga ah ee dawliga ah.

Mudane Madaxweyne, waxaas oo dhan waxa ka muโ€™akid ah xulista xukuumad kooban oo tayo leh, la xisaabtankeeduna fudud yahay.

Mudane Madaxweyne, waxa jira wasaaraddo, hayโ€™addo amma koomishanno hal meel isku noqon kara balse nidaamka siyaasiga ah keenay in haamaha Somaliland lagu qanciyo si ay iskaga dhex arkaan xukuumadda talada marka haysa. Bakse culayska farsamo ee ay leeyihiin tahay mid misaaniyadeed, la-xisaabtanka oo luma iyo awoodaha hayโ€™adaga dawliga ah oo isku murga. Si taas looga baxana loo baahan yahay in marka horre la darso.

Inkastoo uu qaab-dhismeedka xukuumadda iyo awoodaheeda qaabeeyo Xeerka Kala Xaddaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hayโ€™adaha Madaxbannaan (Xeer Lr. 71/2015), aakhirkiina uu murug sii keenay Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hayโ€™adaha Xukuumadda (Xeer-nidaamiye Lr. 01/2018) oo Madaxweynaha talada ka degaya Md. Muuse Biixi soo saaray, taasoo sharcinimadiisa suโ€™aal ay geliyaan sharciyaqaannadu.

Ku fogaan maayo ee xukuumad kooban oo tayo leh, waxa ay u wanagsan tahay maamul wanaaga iyo horumarka shacabka ku doortay kaa filayaan. La soco

 

 

Qore:Ibrahim Khadar

Bandhige@gmail.com