Madaxweyne Talo! Qaybta 2aad …W/Q:(Ibrahim Khadar)

2. Ahmiyada La-taliyeyaaaha

Buugga xusuus qorka ah ee uu qoray aasaasaha dalka Singapore ee cinwaankiisu yahay “The Singapore Story: Memoir of Lee Kuan Yev,” oo. Macne ahaan noqonaya “Sheekada Singapore: Xusuus Qorka Lee Kuwan Yev.” Waxa u boggiisa 306 kaga waramay welwelkii qabsaday markii uu talada la wareegay.

“Dad tiro yar baa dhaadanaa khatartaraha ku gedaaman safarka qaranka Singapore qaaday hadda. Sida ugu wanaagsan ee aan shanta sanno ee masuuliyadda qaranka qaadnay waxa ay ku xidhan tahay sida aan qorshe wanaagsan ugu dejisano iyo in aan si adag u hawlgalno…… Qodobka koowaad waa waxa aanu go’aaminno, ta labaadna adigaa leh, tan saddexaadna waxaan u dhaafayaa dadka reer Singapore inay nala calaacalaan oo noo duceeyaan in xilka Alle magu karaameeyo,” ayuu yidhi Lee Kuwan oo aad uga welwelsan xaaladaha is diidooyin siaasi ee qaranka uu marajaha siyaasi u qabtay ku jiro.

Mudane Madaxweyne, khudbadii ugu horraysay ee xaqiijinta natiijada doorashada ku guulaysigeeda waxa aad jeedisay hadal degen oo ay ka muuqato in aad ka fiirsi badan samaynayso.

Waxa aan xasuustay hadal Lee Kuan uu ku sheegayey xukuumadda uu dhisayo

“Waxa noo curtay cutub (chapter) cusub. Awoodda shacabka ee ay ku metelayaan xukuumadda la doortay, waxa ay ku kooban tahau gudaheena. Maaha waxa aan rabnay, balse waa tallaabo isku duubni iyo midnimo…. Wanaag kasta oo noloshan jira maaha mod cirka ka soo dhacay, balse waxa uu ku yimaada dedaal adag oo waqti qaata. Xukuumaddu natiijo ma keeni karto haddii aanay ka helin taageero iyo garab istaag dadkeeda… Balse, waxa mabda’ noo noqon doona ‘in Danta ugu muhiimsan ee shacabku noqdo ka ugu sarreeya.’

Mudane Madaxweyne haddii aan ku daadego taladaysa, waxa aad la wareegtay dalka oo dhaqaalihiisii hoos i dhacay oo saamayn ay ku yeesheen xannuuno faafa (COVID-19), dagaalo sokeeye oo ku furmay, siyaasadda arrimaha dibadda ee aynu qaadanay oo keentay in dalal awood ka cadhaysiisay.

Sidaa darteed, waxa aan kugula tallin lahaa in aad isku xeerto La-taliyayaal arrimo badan kaala taliya oo xog aad go’aamada aad qaadanayso sal u noqda. Waxa caado inoo ah in La-taliyayaasha Madaxweynayaashu noqdaan kuwo mushahar uun qaata, balse haddii dad aqoon iyo waayo aragnimo leh aad ka talo qaadato arrin kasta amma dhinac kasta oo maamul. Siyaasi, dhaqaale amma sharci ba ah waxa hubaal ah in jiho wanaagsan aan qaadi karno. Haddii aan mid ama laba ka sheego la-taliyayaasha madaxweynayaasha guulaystay isku xeeran waxa ka mid ah

1. La-taliyaha Arrimaha Amniha

2. La-taliyaha horumarinta iyo dhaqaalaha

3. La-taliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibadda

4. La-taliyaha Difaaca

5. La-taliyaha Sharciga

Intaas iyo kuwo kale oo badan ba waxa ay sabab u noqon karaan in aad dalkan ku jihayso horumar iyo isku duubni.

Mudane Madaxweyne, wasiiraddu waa adeegayaal siyaasi oo shaqada aad u dirtay bay ku foofayaan, balse cida shaqada ay soo qabteen kaala talinaysaa waa kuwa kuu dhaw ee la-taliyayaasha kuu ah.

Mudane Madaxweyne waxa aan kuu hibayn lahaa oo qaybtan kaga tegayaa waxyaabahii uu qabtay Lee Kuan oo Singapore ka dhigay meel lagu hirto;

“Waxa aan ka xumahay in aan xukunka la wareego aniga oo 35 jir ah. Maan lahayn khibrad maamul……Waxa aan go’aansaday in aan xog-ogaal u noqdo haykalka dawladnimo oo aan xog guud ka helo wasaaradaha. Waxaan rabay in aan helo dareenka shaqaalaha sare, nooca shaqadoodu tahay, hab-dhaqankooda iyo hab-shaqeedka, si aan u ogaado meelaha ay tahay in wax laga beddelo haddii aan xalinno dhibaatooyinka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho. Waxa kale oo aan jeclaystay in wasaarad walba aan ku qiimeeyo agabka ay leedahay oo aan dib u hawl galiyo si loo xoojiyo kuwa ugu muhiimsan.”

Mudane Madaxweyne xogagaal u noqoshada cida gacmaha kuu ah ee shaqaalaha dawladda ah, duruufaha ay ku shaqeeyaan iyo baahidoodu waxa ay keenaysa in aad hesho sharaf iyo karaamo qarankan kuu hayo oo raad-reeb u noqota cod kasta oo xilla laaga dambaysa…La soxo @highlight

 

 

Qore:Ibrahim Khadar

Bandhige@gmail.com