Waxaan fadhiyey tareenka qaybta midig. Waxa dhanka qaybta bidix fadhiday gabadh. Tareenadu waxay leeyihiin gododka laga dabaysto moobilida, iwm. Moobilkaygii oo dabku ka sii yaraanayo ayaan doonay in aan geliyo qaybta dabeynta ee ku taal halkii aan fadhiyey. Nasiibdarro, way ii shaqaynwayday. Xadhigii ayaan kala soo baxay. Waxaan u qaatay in dabeeyaha qaybtayda kuyaal uu ciladaysan yahay.
Waxaan fiiriyey qaybtii kale ee gabadhu fadhiday, aniga oo ka fikiraya in aan halkaa gashado. Aniga oo aan weli goโaan qaadan, sababaha aan uga cagojiidayey goโaankana ay ka mid ahayd kaladheeraanshaha aniga iyo moobilkayga oo ah wehelka keli ah ee safarkan aan ku haysto.
Waxaan iska sii isticmaalay moobilkaygii. Maadaama oo inyar oo dab ah iigu sii jirtay. Sidoo kalena aan baytariga geeyey qaybta beekhaaminta dabka..
Muddo kaddib, waxaan mar qudha ku warhelay gabadhii oo i dultaagan oo igu leh ma gashan karaa moobilka halkan? Ku eeg baan idhi. Waxay ogaatay in aanu shaqaynayn. Halkii ay fadhiday ayey iskaga laabatay.
Waxa jirta odhaah tidhaahda: โcawsku wuxu ka cagaaran yahay dhanka kale.โ
Arrintan waxay i xasuusisay sida dadku marar badan ay u dhaqmaan. Inta badan Aadamahu ma iimaansado xaaladaha ay ku jiraan iyo waxay haystaan. Waxay u hanqaltaagaan meelo kale; iyaga oo aan war sugan oo sax ah ka hayn sida ay tahay meesha kale.
Haddii aan gabadha iswaraysanlahayn kahor intii aanay soo kicin, waxaan u sheegilahaa in godkani aanu shaqaynayn. Ugu yaraan, waxay ka baaqsanlahayd soo kicidda oo halkeeda ayey iska fadhiyilahayd.
Marar badan halka aynnu joogno ayuu ka cagaaran yahay cawsku, haddii aan si fiican u fiirinno. ๐
Qalinkii:Axmed-kayse Cali Rooble Bandhige@gmail.com