Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dr Axmed Aadan Buuxane ayaa ka qayb galay shirka Bahwadaagta Waxbarashada.

Shirkan oo la qabto bil walba isniinta u danbaysa ayaa waxa kasoo qayb galay Agaasimaha guud ee W.W&S, Agaasime waaxeedada wasaaradda waxbarashada iyo hay’addaha Wasaaradda Waxbarashada kala shaqeeya dhanka waxbarashada, waxaana uu ka dhacay hoolka wasaaraadda waxbarashada.