Kulan ku Saabsan dhamaystiray qaybta ay Wasaarada Qorshayntu ku leedahay xilwareejinta Xogta xukuumada

Kulan ku Saabsan dhamaystiray qaybta ay Wasaarada Qorshayntu ku leedahay xilwareejinta Xogta xukuumada ayaa saaka ka qabsoomay xarunta Dhaxe Ee Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ee Hargeysa.

kulankan oo ay ka soo qayb madaxda wasaaradaas oo uu ugu horeeyo
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta qaranka Ahmed Max’ed Diiriye (Toorno) ayaa intii kulankaasi socday waxa lagu gorfeeyay Arimo ay ugu mihiimsanaayeen xogta Mashaariicda kala duwan Ee dalka ka Socda iyo Nidaamkii Socday Ee Shaqo Ee Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
Waxa kale oo kulankaasi laga soo saaray
Xubno gudi agaasime waaxeedyo ah oo loo xilsaaray diyaarinta xogta xilwareejinta Wasaarada Qorshaynta si loogu Wareejiyo madaxda cusub ee wasaaradaa loo soo magacaabi doono.

Xogtaa la diyaarinayo ayaa ka kooban

1.Xisaab xidhka miisaaniyada iyo guud ahaan xogta maaliyada

2.Hantida dhismeyaasha, dhulka iyo gaadiidka Wasaarada Qorahaynta

3.Agabka xafiisyada

4.Liiska mashaariicda socota

5.Guulaha wasaaradu gaadhay 7 sano ee la soo dhaafay, qorshaha immika u yaala iyo arrimaha midnaanta ah

6.Xeerarka, siyaasadaha iyo hab-raacyada shaqada wasaarada la xidhiidha

7.Tirada shaqaalaha ah joogtads ah iyo kuwa kumeelgaadhka ah iyo

8.Xog kasta oo madaxda cusub u fududayn doona gudashada waajibaadkoods, insha Allah