Ma nooleyn kartaa noloshaada? …. W/Q:(Axmed-kayse Cali Rooble)

Ma leedahay oo ma ku dadaashaa nolol dheelitiran. Ma ogtahay in noloshaadu noqonayso hadba sida aad u qaabayso iyo waxaad qabato daqiiqadaha ay maalintu ka kooban tahay.

Dadka horumarka sameeya waxay ka siman yihiin in ay yihiin dad leh waxqab joogto ah oo ay si maalinle ah u qabtaan. Innaga muslim ahaan, waxaynu haysanaa jidkii nebiga (nnkh) oo si fiican innoogu sheegaya nolosha wanaagsan iyo sida loo waajahayo.

Kow, marka uu qofku subixii kaco, waa in uu noloshiisa ku bilaabo mahadcelin uu Alle u mahadcelinayo. Tani waxay kuu horseedaysaa in niyaddaadu noqoto mid togan oo wanaag arag ah. Qofka wanaag-araga ah wuxu soo jiitaa wanaaga hereerihiisa ka socda.

Talabaad, waxa la ina faray in aan toosno goor hore, 4:45-4:50 oo aan u kacno salaadda subax. Dadka waaga hore toosay waxay helaa jawi degen oo nafta siiya ogsajiinta ugu wacan ee maalintaa uu koonku soo saaro. Sidoo kale, salaadda subax ee qofku jamac ku tukado waxay barako gelinaysaa maalintiisa iyo waxqabkiisa.

Ta saddexaad, waxa la ina baray in qofku digriga Alle ku bilaabo maalintiisa oo uu akhriyo quraan iyo adkaar, si Alle uga nabadgeliyo-qofka, ehelkiisa iyo maalkiisaba musiibooyinka dhacaya.

Intaa kaddib, waxa la innagu dhiirigaliyey in qofku noqdo qof waxsoosaar leh oo la yimaada tacab oo aanu noqon qof iska soo toosa oo iska seexda. Ugu yaraan, in qofku camal sameysto, kol uu xaabo soo guro, si uu uga helo wax uu kaga maarmo aadamaha oo uu noloshiisa ugu maareeyo.

Dhanka kale, waxa la amaanay in qofku naftiisa soo dhaafo oo uu bulshada iyo dadka uu la nool yahay wax tar u noqdo. Xubnaha jidhkeena subax kasta waxa ku waajiba sadaqo. Qof aad inyar caawisay oo aad alaab la qaaday, wax dadka dhibaya oo aad jidka ka leexisay ayaa ka mid ah arrimaha qofka ka gudaya sadaqada laga rabo xubnaha jidhkiisa.

Ugu danbeyn, waxa fiican in aan nolosha u waajahno sida ay tahay oo aynaan noqon dad ay noloshu wadfhiso oo hadba meel u kaxayso.

 

Qore:Axmed-kayseย  Cali Rooble

Bandhige@gmail.com