Nin yar oo Nin wayn dilay ma argteen.. W/Q:(Cabdiraxman Cadami)

Isfahamkii January 2024 ee dhexmaray labada hogaamiye ee Itoobiya iyo JSL

.waxa ka dhashay buuq, doodo iska soo horjeeda iyo dagaal diblomaasiyadeed si aanu noqon heshiis rasmi ah. Inkasta oo dawlado badani qayb ka ahaayeen muranka MOU-ga dagaalka toos ahi wuxuu u dhexeeyay Somaliya & Jibuuti oo isku dhinac ah iyo Itoobiya oo dhinaca kale ah hase ahaate Somaliya way iskaga hadhay ololihii ka dhan aha Somaliland markii ay doodeedii ku qancin kari wayday B.Caalamka, finalkiina waxa isku soo hadhay Itoobiya iyo Jibuuti. Garoonka ciyaartu waa Somaliland, kubaduna waa MOU-gii iyo cida guushu raacdo.Odhaah baa tidhaahda: Nin yar oo Nin wayn dilay ma argteen, Kaba-tole kureed dilay ma aragteen.

Odhaahdu waxay tilmamaysa in ay tahay waxaan dhici karin marmar naadirase la arki karo.Akhriste dulucda sheekadu waxay tahay Jibuuti oo ah dalka ugu yar uguna itaalka yar dalalka geeska Afrika waxay dagaalkii MOU-ga kaga adkaatay Itoobiya oo ah dalka ugu wayn uguna awooda badan Gobolka.

Dawlada Jibuuti waxay dhaqaale badan ku bixisay doorashadii madaxtooyada JSL iyada oo adeegsanaysa tijaar reer Jibuuti ah oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland iyo rag kale oo saamayn ku leh bulshada si saxiixihii MOU-ga m/wayne Muse Biixi saaxada looga saaro. Si dadaraadeed m/wayne Geele wuxuu “proof”- gareeyay in dawlad kasta oo xoog sheegata kaga awood badan yahay kagana saamayn badan yahay gudaha Somaliland danahiisana ka fushan karo.Hadaba Jibuuti maxay ku doonaysa taageerada ay u fidisay mucaaridka?

Waxay rabta in laga noqo MOU-gii ama aan la dhaqan galin si aqoonsigii meesha uga baxo iyo In aanay Dekeda Berbera kula tartamin Dekeda Jibuuti badeecadaha dal waynaha Itoobiya uga soo dega ee ay kootada ku haysato, runtii waa damac waali ah oo aan la aqbali karin, m/waynaha la doortayna mudane Cabdiraxman marnaba ka suurto gali mayso in masaalixa dalkiisa ka doorbido ama ka hormariyo danaha Jibuuti iyo dal kaletoona.

 

Cabdiraxman Cadami

 

Abdirahmanadami33@ yahoo.com

 

Xigasho:Badari koosaar