Lama gaadhin xili aad Mucaarad iyo Muxaafid midna noqoto.. W/Q:(Dr-Abdikarim D Hassanย )

Madaxwaynaha isagoo aan kursigiiba lagu wareejin aad Muxaafidka u tahay, maxaad ku taageeraysaa ee aad ka aragtay? Mucaaradniamdaaduse maxay ka duulaysaa? Is hubso, dareenkaagana xakamee!

Curfiga dimuqraadiyada waxa ka mid ah in hogaanka cusub wakhti lasiiyo- afartan bixin siyaasadeed. In taageero iyo dhiiri gelin lala garab istaago, si uu u helo fursad uu deganaan iyo ka fiirsi ugu xusho hawl wadeenadda kala shaqayn doona in uu aragtidii uu bulshada ku abaabulay iyo balan qaadyadiisii fuliyo. Waa shaqada ugu adag ee uu qaban doono, guushiisa iyo guul daradiisuna talaabadaa koowaad ayay ku xidhan yihiin.

Marka aynu aragto xukuumada dhismaheeda, xubnaheeda, hawl karnimadeeda iyo iska jaan-qaadkeeda ayaad is arki doontaa adiga oo mucaarid ah ama Muxaafid oo garanaya sababta aad tarajayga ugu jirto. Waxaanse kaaga digayaa in aad Mucaarad ama Muxaafid ku noqoto by default

 

 

Xigasho:Dr-Abdikarim D Hassan

Bandhige@gmail.com