Siyaabaha ugu habboon ee xabeebta loo dawayn karo iyo digniino muhiim u ah qofka xabeebsan (WQ: Kamaal Axmed Cali)

Majaladda ka faallooda arrimaha Caafimaadka iyo daweynta oo ka soo baxda dalka Jarnalka ayaa sheegtay in xabeebta codka ee dadka qaar isku arkaan, gaar ahaan xilliyada hargabka. Sida ugu fiican ee loo daweyn karaa ay tahay in aan codka xanshaashaq laga dhigin, sida inta badan dhacda. In hadalka guud ahaanba la yareeyo, iyo arrinta kale ee muhiimka ah, oo ah in biyo badan iyo shaah diirran cab.

Warbixin ay majaladda Pharmacies arrintan ka qortay, ayaa intaas ku daraysa in sababo badan oo ay xabeebtu ku timaaddo ay ka mid tahay; barar ama balaq ku yimaadda xadhkaha codka. Taasina ay sababto in ay u lulmi kari waayaan sidii fududayd ee marka hore ay u dhaqaaqi jireen, sidaa awgeed uu codku noqdo mid ka fog halkii markii hore.

Habka ugu fiican ee xaaladdan lagu daweyn karaana waa in qofku uu hadalka joojiyo. Waxa aanay ka digtay in qofku uu xanshaashaqo sida ay dadka qaar yeelaan. Iyada oo sheegtay in xanshaashaqu uu dhaawacayo xadhkaha hadalka, maadaama oo xaaladdan ku timi awgeed ay xadhku si aan dabiici ahayn oo intii hore ka adag u giijismaan, sidaa awgeed uu hadalku ku keenayo shaqo badan in ay qabtaan.

Waxa kale oo ay warbixintu ka digtay in qofka xabeebsani uu aad ama joogto u xiixsado (Xiix yidhaahdo) isaga oo isku dayaya in uu dhuunta furo. Waxa ay xeeldheereyaasha caafimaadku caddeeyeen in xiixsiga badani uu dhaawacayo xadhkaha codka ee marka horeba dhibta tirsanayey.
Laakiin xaaladdan oo kale lama diidin qufaca. Waxa se laga digayaa in qufacu uu noqdo mid qofku iska keenay. Waxaana lagula talinayaa qofka qufacaya in uu ku dadaalo in qufacu uu si sax ah dhuunta uga soo baxo. Taas oo la diidayo in sabab uu nqofka ka timi awgeed uu qufacu isu beddelo, tusaale ahaan uu xoog noqdom uu yaraado ama uu yeesho cod aan kii dabiiciga ahaa ahayn.

Khubaradu waxa ay sheegeen in cabbitaanka badani uu u fiican yahay daweynta xabeebta. Waxa aanay si gaar ah ugu taliyeen cabbitaanka shaaaha diirran, iyo cunista dawooyinka ku habboon furista dhuunta.
Laakiin waxa ay aad uga digeen dawooyinka ay ku jiraan maaddooyinka ‘Menthol’ iyo ‘Eucalyptus’. Sababtuna waa saliidaha ku jira oo engajiya xuubka xabka ah.