Dawladda Itoobiya ayaa cafis u fidisay dabaal-dega ciida Arafo iyo sannadka cusub oo maanta ku beegan boqolaal maxaabiis ah.
Maxaabiistaas badankoodu waa Muslimiin ka qayb qaatay dibad bax dawladda lagaga soo horjeeday oo dhacay afar sanno ka hor.
Dadka la cafiyay waxaa ka mid ah Yusuf Getachew, oo tifaftire ka ahaa wargays arrimaha Muslimiinta ka hadla.
Sannadkii hore 2015-ka ayaa lagu xukumay 7 sanno, kaddib markii lagu helay argagixisanimo.
Maxaabiis badan oo siyaasadda u xidhan ayaa wali ku jira xabsiyada, kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwii la xihay markii ay dhaceen dibedbaxyadii waawaynaa ee dhawaan lagu diidanaa dawladda.