Diyaarad ay leedahay shirkada diyaaradaha Egypt Air oo nooca rakaabka oo ka soo kicitantay Paris kuna socotay Qaahira ayaa la waayey kadib markii waxyari uga hadhsanaa in ay fadhiisato Qaahira.
Diyaaradan ayaa waxa sarnaa rakaab dhanka 59 qof iyo 10 shaqaale kuwaas oo dhammaantood ka soo raacay Paris.
Shirkadda Egyp tAir ayaa haatan daabacday dalalka ay u kala dhasheen dadkii saarnaa diyaaradda: 15 Faransiis ah, 30 u dhalatay Masar, labo u dhalatay Ciraaq, iyo dalalka Britain, Kuwait, Sacuudi Carabiya, Sudan, Chad, Portugal, Algeria iyo Canada oo mi hal qof ah.
Diyaaradda ayaa la rumeysan yahay in ay ku dul luntay bariga badda Mediterranean-ka.
Diyaaradda la la’yahay ayaa la sheegayaa inay horey u tegtay dalalka Tunis iyo Eritrea ka hor inta aysan gaarin Faransiiska, oo ay xalay ka soo duushay.
Madaxweynayaasha faransiiska iyo Masar, Francois Hollande iyo Cabdifataax Al-Sisi, ayaa ka hadlay waxayna sheegeen inay arrintan diyaarada la laa’yahay iska kaashan doonaan, warkan waxaa laga soo xigtay Reuters.