Madaxweynaha Turkiga Recep Dayib Erdogan ayaa waxa uu ku eedeeyey sarkaalka ugu sareeya ciidamada Maraykanka ee gobolka kaas oo lagu magacaabo Joseph Votel in uu taageeray kooxdii isku day in afgembigii dhicisoobay laba todobaad ka hor.
Joseph Votel oo ka hadlay shaqo ka eryidda ciidamada Turkiga ay wax u dhimayso wada shaqaynta ciidamda milateriga Maraykanka iyo Turkiga.
Hadal uu ka jeediyay magaalada Ankara, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxa uu sheegay in dalalka cambaareynaya howlgalka maamulkiisa, looga baahan yahay in ay mahdiyaan Turkiga sida uu uga hortagaya afgembiga.
Raysal-wasaaraha Turkiga Binali Yildirim oo la hadlay taageerayaasha dawladda waxa uu sheegay in uu amray in la xidho saldhigyada ay ka mid ahaayeen ciidamada ka qeybgalay afgembiga.
Dhanka kale, iyadoo ay socoto shaqo ka eryida iyo baadhida dadkii ku lug lahaa afgembigaas ayaa waxa maxkamad la soo taagay taalla Istanbul 21 weriye.