Guddoomiyaha Kulmiye wuxu soo-dhawayn diirran u sameeyey Aamina Xirsi Mooge

 

Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi wuxu soo dhawayn diirran u sameeyey haweenay Somaliland u dhalatay oo ah maal-qabeen caan ah oo Yugaandha deggan.

Marwo Aamina Xirsi Mooge ayaa u timid shir ay qaban-qaabiyeen haween Soomaali ah oo lagu eegayo doorka ay haweenka Soomaalidu ka qaadan karaan kobcinta dhaqaalaha.

Waa markii koowaad ee ay Aamina timaado dhulkii awowyaasheed iyada oo filashada dad badani tahay in wixii hadda ka dambeeya ay xidhiidh sokeeye la yeelato Somaliland isla markaana ay maalgeshi ku samayso dalka.

War-saxaafadeed arrinkan kuk saabsan waxa cawaysinkan caawa warbaahinta la wadaagay xafiiska warbaahinta xisbiga Kulmiye, wuxuna u dhigan yahay sidan:

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay haweenayda asal ahaan u dhalatay Somaliland ee haysata dhalashada dalka Uganda, isla markaana ganacsiga ballaadhan ku leh bariga Afrika Marwo Aamina Xirsi Mooge oo booqasho ku timi caasimadda Somaliland ee Hargeysa Jimcihii.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu si diirran iyo dareen farxadeed ku soo dhaweeyey Marwo Aamina Xirsi Mooge oo iyada xubno wehelinayey booqasho ugu tageen xafiiska xisbiga KULMIYE galabta, waxaanna halkaasi ku dhexmaray kulan is xog-waraysi xaaladdaha dalka iyo booqashadeeda la xidhiidha.

IMG_95635 IMG_95672 IMG_95723 IMG_95753 IMG_95926 IMG_95958 IMG_95987 IMG_96109 IMG_96149

 

Kulankaasi waxa Guddoomiyaha KULMIYE iyo Marwo Aamina ku wehelinayey Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi-dheere, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Marwo Shukri Xariir Ismaaciil iyo xubno kale, iyadoo sidoo kalena si ballaadhan ay u qaabileen garabka haweenka KULMIYE oo iyaguna ku soo dhaweeyey hoolka shirarka ee xisbiga oo waqtigaasi uu uga socday shir ay lahaayeen.
Guddoomiye-ku-xigeeka labaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi-dheere oo markii kulankaasi dhammaaday la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in Guddoomiyaha iyo Marwo Aamina si fiican uga wadahadleen danaha Somaliland.

Md. Axmed Cabdi-dheere oo faahfaahinaya kulankaasi iyo natiijadiisa waxa uu yidhi, “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa uu si farxad leh u soo dhaweeyey haweenayda reer Somaliland ee ganacsiga ku leh dalka Uganda Marwo Aamina Xirsi, waxaannu uga mahadceliyey oo ku soo dhaweeyey safarka ay ku timi dalkeeda hooyo ee Somaliland, sidoo kalena waxa uu uga mahadnaqay booqashada ay ugu timi xafiiskiisa KULMIYE.”
“Waxa kaloo Guddoomiyaha KULMIYE u sheegay Marwo Aamina inay xisbi ahaan iyo guud ahaan shacabka Somaliland ku faraxsan yihiin ganacsigeeda iyo heerka wanaagsan ee ay ka gaadhay oo ah buu yidhi ah mid magac iyo maamuusba u soo jiidaya sumcadda iyo kartida ummadda reer Somaliland,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka labaad, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray, “Dhankeeda, Marwo Aamina waxay si farxad leh uga mahadcelisay qaabilaadda iyo soodhawaynta ay kala kulantay xisbiga KULMIYE iyo guud ahaan dalka Somaliland, iyadoo si gaar ah u xustay inay sharaf iyo qiimo wayn u tahay inay la kulanto Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi.”

“Waxa kaloo Marwo Aamina tidhi ‘Somaliland aad baan uga helay si fiican baa la iigu soo dhaweeyey, waxaannan hubaa in aan ku soo noqonayo oo aan ka mid noqonayo dadka maalgashanaya Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Axmed Cabdi-dheere.

Sidoo kale, waxa Marwo Aamina Xirsi Mooge si wayn u qaabilay haweenka xisbiga KULMIYE oo la wadaagay farxadda ay ku dhex naaloonayso dalkeeda hooyo ee ay booqashada ku timid.