Gudoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu dib ugu soo celiyay Guuleed Axmed Jaamac ruqsadiisii qareenimo ee Wasiirka Caddaaladu ka joojiyay

Maanta oo bishu tahay 11-ka Juun 2016 Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Garyaqaan Aadan Xaaji Cali waxa uu soo saaray qaraar uu ku tirtirayo goโ€™aan uu Wasiirka Caddaaladu hore ruqsadii qareenimo ugaga joojiyay Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka, Guuleed Axmed Jaamac.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare wuxuu goโ€™aankiisa ku sheegay in aan wasiirku awood u lahayn in uu ruqsad ka qaado qareen islamarkaana wuxuu cadeeyey in ka mid ahaanshaha urur xuquuqal insaan aanay ka hor imanayn in lagu shaqaysto qareenimo.

Waxay ahayd 16-kii May markii Wasiirka Caddaaladu soo saaray goโ€™aan uu shaqada qareenimo kaga joojinayo Guuleed Axmed Jaamac.

Sidoo kale waxa goโ€™aanka soo dhoweeyey, kana mahad celiyey goโ€™aanka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare soo saarayย Xarunta Xuquuqal Insaanka.

Dhinaca kale waxay Xaruntu waxaay si wayn ugu mahad celinaysaa ashqaastii, ururadii iyo dawladihiii u dooday Guuleed.

Halkan hoose ka eeg lifaaqa qoraalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare:

scan0001 scan0002 (1)

bandhige@gmail.com