Maraykanku wuxu duqayn ku dilay hoggaamiyihii Daalibaan Mullah Akhatar Mansuur

 

Warar si weyn la iskula dhex marayo ayaa tibaaxaya in hoggaamiyihii Daalibaan Mullah Akhtar Mansuur ay dileen diyaaradaha Maraykanka ee aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan “drones-ka”.

Mullah akhtar Mansuur ayaa la doortay July 2015-kii kadib markii la xaqiijiyey geerida hoggaamiyihii hore ee Daalibaan Mullah Maxamed Cumar.

Geeriyada Mullah Akhtar Mansuur waxa xaqiijiyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Xukuumadda Afgaanistaan iyo koox ka mid ah ururka Daalibaan.

Hogaamiyaha Daalibaan waxa lagu dilay meel u dhaw xadka u dhaxaysa Baakistaan iyo Afgaanistaan oo la yidhaa Ahmed Wal isla markaanaย dhacdaย ย Koonfurta Galbeed ee Baakista. Wasaaradda Difaaca ee Maraykanku waxay sheegtay in markii la dilay uu qorshaynayey weeraro halis ah oo lagu qaado goobo ka mid ah Kaabuul kuwaas oo waxyeelo u gaysan lahaa dadka reer Afgaanistaan iyo dawladaha caawiya dadka halkaas ka jooga.

Maraykanku wuxu sidoo kale sheegay in uu Mansuur caqabad ku ahaa wada-hadallada Daalibaan iyo Afgaanistaan oo lagu rajo weynaa in ay soo afjaraan colaad muddo dheer soo taxnayd. Wuxu is hortaagay saraakiishii Daalibaan ee danaynaysay in ay wada-hadalladaas ka qayb-galaan.

Faahfaahinta wixii hadba ka soo kordha warkan kala soco Bandhige.

Bandhige@gmail.com