Itoobiya iyo Eritrea waxa uu dagaal ku dhexmaray soohdinta lagu muransan yahay

Wararka laga helayo aagga ay ku muransan yihiin Itoobiya iyo Eritrea ayaa sheegay in dagaal xoogan ku dhex maray laba dal.

Dadka ku nool magaalada Tserona ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in dhawaqa rasaas maqleen saacadihii hore Axada, isla markaana ay arkeen ciidamo badan oo wata hubka culus kuwaasoo ku wajahan soohdinta ay la leeyihiin Eritrea.

Balse wasiirka warfaafinta ee Itoobiya ayaa BBC u sheegay in aanu ka warqabin wax dagaal ah oo dhacay.

Labada dal ayaa muddo dheer ku muransanaa deegaanno ka tirsan soohdinta ay wadaagaan, waxaana Qaramada Midoobay ay deegaannadaasi u xukuntay Eritrea, walow ay Itoobiya diiday go’aankaasi.

Ugu yaraan boqol kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalkii labadaasi dal dhexmaray intii u dhexeysay sannadihii 1998 ilaa 2000.

In kastoo dagaalkaasi uu soo afjarmay sannadkii 2000, ayaa haddana waxaa mararka qaar dhici jiray iska horimaadyo kooban.

bandhige@gmail.com